Home Wararka Maanta Kenya Oo Weerar Culus Ay Ku Gashay Saldhig Shabaab Ku Dishay 12...

Kenya Oo Weerar Culus Ay Ku Gashay Saldhig Shabaab Ku Dishay 12 Dagaalame

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar culus oo ciidamadda Kenya ay ku qaadeen saldhig ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Saldhigga la weeraray oo ku yaala deegaanka Sedahgose oo ka tirsan degmada Gaarisa ayaa lagu dilay 12 dagaalame oo Shabaab ah, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay booliska dalka Kenya.

Wararka ayaa intaai kusii daraya in hal xubin oo Shabab ah nolosha lagu qabtay, sidoo kalena ay ciidamadda qabsadeen walxaha qarxa, qori PKM ah iyo 1 AK47 ah.

Kenya ayaa adkeysay amniga xadkeeda, wixii ka dambeeyay markii dowladda Soomaaliya ay weerar ku qaaday Shabaab, weeraradaas oo kooxda lagaga qabsaday magaalooyin waaweyn.

Xukuumada Nairobi oo ka feejigan Shabaabka baxsadka ah iney dalkeeda soo galaan ayaa boqolaal askari geysay xadka, iyagoo si joogto ah howlgalo ka dhan ah Shabaab halkaasi uga sameeyo.

Ad
Previous articleErdogan oo Jawaab Adag oo Cara leh u Diray Dowlada Swedan Kadib Kitaabkii Quraanka ee lagu gubay Dalkaas
Next articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo ku Wajahan Magaalada Xarardheere oo Wali Qoor Qoor Ku suganyahay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here