Home Wararka Maanta Wafdi Kasocda Dowlada Soomaaliya oo gaaray Adisababa Xili Khilaaf Xoogan Wali Ka...

Wafdi Kasocda Dowlada Soomaaliya oo gaaray Adisababa Xili Khilaaf Xoogan Wali Ka Dhex jiro Soomaaliya iyo Itoobiya

0

Wafdi ka socda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada caasimada ah ee Addis Ababa, ayada oo ay weli taagan tahay xiisadda u dhexeyso Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiska Badda.

Wafdigan ayaa waxaa horkacaya wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibedda, ahna ku simaha wasiirka, Xildhibaaan  Cali Maxamed Cumar (Balcad), kaas oo ka dagay Addis Ababa.

Ujeedka ayaa ah sidii uu uga qayb-geli lahaa shirka 44-aad ee dalalka Midowga Afrika, kaas oo looga hadli doona xaaladda guud ee gobolka iyo sidii loo wajihi lahaa caqabadaha jira.

Sidoo kale waxaa la filayaa in shirkan lagu qaado xiisadda diblumaasiyadeed ee haatan u dhexeyso labada dowladood ee Soomaaliya iyo Itoobiya oo si weyn loo dareemay.

Dhanka kale, wasiir Cali Balcad oo u warramay warbaahinta dowladda ayaa shaaca ka qaaday in damaca Itoobiya uu la mid yahay waddan heshiis la galay gobol dal kale, ayna jirin cid ku garab istaageyso gardarrada ay waddo.

Waxaa kale oo uu intaas kusii daray in dowladda federaalka  Soomaaliya ay qaadi doonto hadba tallaabada ay Itoobiya qaaddo mid u dhiganta oo jawaab u ah.

” Tallaabo kasta oo ay Itoobiya qaaddo mid u dhiganto ayaan qaadi doonnaa” ayuu yiri wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibedda xukuumadda Soomaaliya.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in aysan oggolaan doonin wax dhex-dhexaadin ah illaa ay xukuumadda Addis Ababa ka laabato heshiis ku sheeggii ay la gashay Muuse Biixi.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo xiisadda u dhexeysa labada dowladood ay cirka isku shareertay tan iyo bishii lasoo dhaafay, markaas oo la saxiixay heshiiska Badda.

Ad
Previous articleLuul Cabdicasiis oo aan Wali La Duugin iyo Sayid Cali oo Xabsi Gaar ah ku jira
Next articleDeni iyo Xasan Sheekh oo Markale Khilaaf Culus ka Dhex Qarxay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here