Home wararka Dalka Kenya oo xirtay xadka ee la wadaagto somalia dhanka beladxaawo….

Kenya oo xirtay xadka ee la wadaagto somalia dhanka beladxaawo….

1

Ciidamada dalka Kenya ayaa xiray xadka ay kala wadaagaan Degmada Beladxaawo, kadib markii Xoogaga Shabaab habeen hore weerar khasaaro geystay ay ku qaadeen duleedka Magaalada Mandheera, halkaasi oo ay ku dileen 36-ruux.

 

 

 

Ciidamo Milateri oo Kenyati ah ayaa lagu soo daadiyay xadka dhanka Beladxaawo ay kala wadaagaan dalka Kenya, waxaana ay xireen halkaasi, iyagoo joojiyay isu socodkii xadka looga tallaabi jiray.

 

 

 

Dadka ku sugan Degmada Beladxaawo ayaa soo sheegaya in saaka ay adag tahay sida looga gudbo xuduuda oo ciidamada ay ku wargeliyeen inay xiran tahay oo aan laga gudbi karin.

 

 

 

Arintan ayaa saameyn aan wanaagsaneyn waxa ay ku yeelatay arday Soomaaliyeed oo Mandheera waxbarasho uu aada subax waliba,iyaga oo ka tallaaba xuduuda, waxaana ay ka baxaan Magaalada Beladxaawo ee Gobolka Gedo.

 

 

 

Ciidamada Kenya ayaa tallaabada ay ku xireen xuduuda Soomaaliya ay la wadaagto gaar ahaan qaybta Beladxaawo waxa ay kaga gol leeyihiin xaqiijinta ammaanka dalkaasi, maadaama Kenya ay ku bateen weerarada ay ka geysanayaan xoogaga Shabaab ee dalka Soomaaliya ka dagaalama.

 

 

 

Taliyihii ciidamada Booliiska dalka Kenya ayaa shalay iska casilay xilkii uu ka haayay dalkaasi,  kadib weerarada Al Shabaab oo ku batay dalka Kenya iyo dhaliilo kala duwan oo ciidamada Booliiska dalkaasi loo jeediyay.

 

 

 

Xoogaga Shabaab ayaa weli dhankooda waxa ay ku hanjabayaan inay siiwadayaan weerarada iyo dilalka qorsheysan ee ay ka geysanayaan gudaha dalka Kenya.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here