Home Wararka maanta Galmudug=xaguu ku danbeeyay maxamuud cabdi tima kala jeex iyo warar sheegaya in...

Galmudug=xaguu ku danbeeyay maxamuud cabdi tima kala jeex iyo warar sheegaya in uu tanaasulay akhriso xog rasmi ah.

0

Waxaa Dhawanahan Jiray Maamul Guud oo loo Dhisidoono Gobolada Dhexe kaasi oo Ah Mideynta Dadka Daga Goboladaas iyadoo Kulankii Labaad Heshiis looga Saxiixay Madaxweynaha Maamulka ximin iyo Xeeb.

 

Doorashadii ugu Danbeysay Waxaa Galmudug ka Dhacay Qilaaf Xoogan kadib Markii Xilka Madaxtinimo isku Qabsadeen Madaxweynaha Xiligan iyo Maxamuud Cabdi Tima kala jeex oo ahaa Garab kasoo Horjeeda Madaxweyne Cabdiqeybdiid.

 

Timo kala Jeex ayaa Xiligaas Diiday in uu Doorasho la Galo CabdiQeybdiid isagoo ogaa in Bulshado u Bislaatay Hogaaminta Cabdiqeybdiid oo Markaasi ololo Xoogan u Galay sidii uu u Noqon Lahaa Madaxweynaha Galmudug.

 

Arinaasi Waxay ay keentay in Timo kala Jeex Goob Qarsoodi ah lagu Doortay iyadoo Xiligaasi uu Garab ka Helay Madaxweynihii Talada Galmudug Hayay ee Caalin oo Rayi Ahaan kasoo Horjeeday Cabdi Qeybdiid.

 

Caalin Ayaa isagana ku Wareejiyay xilka Madaxtinimo Timo Kala Jeex oo aa Heysan Aqoonsi Buuxa oo Laga Helo Caalamka iyo Dowlada Dhexe ee Somalia oo Si Toos ah u Aqoonsatay Cabdiqeybdiid.

 

ugu Danbeyn Xafiiska Mudug24 ee Gaalkacyo Ayaa Helaya in uu Tanaasuday Maxamuud Cabdi Tima kala jeex isagoo u Sheegay Asxaabta kula Jira Mucaaradnimada in aysan Meeshan Wax u oolin isla markaa ay Haboontahay in ay Dadkooda Dhinac karaacaan isla markan iska iloobaa,

 

Mucaaradka Tiradad yar ee Galmudug ayaa Qaarkood Qaatay Hadalkaas Halka kuwo kale oo Calooshood ushaqeestayaal ah Ay Qaadaceen Hadalka Timo kala Jeex sida Wararka aan ku Kalsoonahay Tilmaamayaan Lakin Heshiiska gobolada Dhexe Ayuu Warka Runtiisa soo Dhalaalay.

 

Kadib Heshiiskii Gobolada Dhexe Waxaa Bilaabatay in Mucaaradka Soo Qalab Qaataan iyagoo Dhaqaalo ka Helaya Ganacsato Galmudug ah iyo Maamulada Dariska ah iyadoo Dadalkaasi Qeyb uga Dhigay Soo Kicinta Timo kala Jeex sidii uu uga Hadli lahaa Heshiiskan.

 

Maxamuud Cabdi Tima kala jeex Ayaa ka Diiday in uu ka Hadlo Heshiiskan isagoo Matalaya Madaxweyne Galmudug ah Madama go.ankaas uu iska Qaadacay lakin wali Waxaa jira in Mucaaradka Wadaan sidii Markale Ay Timo kala Jeex ugu Soo Celin lahaayeen booskaas,

 

Mucaaradka Fara kutiriska oo Kaa Shanaya Warbaahinta Qaar ee ku Hadasha Afka aanan Aheyn Midka Galmudug ayaa Bilaabay in Guri ku Yaalo Xaruunta Galmudug ee Gaalkacyo ku Dhigaan Banaanbax ay ugu Magacdareen mid looga Soo Horjeedo Heshiiska Gobolada Dhexe Lakin marka Aad Daawato Muuqaalka Waxaad oganeysaa in aan Lagu Dhigin Goob Fagaaro ah lakin lagu Dhigay Barando ku Taal Guri aan Helnay halka uu ku yaal oo ah Calanley.

 

Go.ankaas uu Qaatay Maxamuud Cabdi Tima kala jeex Waa Guul u Soo Hooyatay Bulshada Galmudug inta Harsan Waxan ale uga Baryeenaa in ay Dadkooda Dhinac kasoo Raacaan.

 

Mudug24 Waxay idin Balan Qaadeysaa in aad si Toos ah ula Socotaan Wararka Galmudug iyo kuwa Somalida iyadoo cidna u Hiilineyn lakin Fiirineysa Maslaxada Bulshada.

 

W/Q Caydaruus Axmad Sahal ( Jookar )

Mudug24 Ankara

[email protected]

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here