Home Wararka Somaliya Galmudug Ciidamada Galmudug iyo Alshabaab oo Dagaal culus Dhexmaray iyo Dhul hor leh...

Ciidamada Galmudug iyo Alshabaab oo Dagaal culus Dhexmaray iyo Dhul hor leh laga saaray

0

Dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidanka milatariga Soomaaliya oo gacan ka helayay kuwa daraawiishta  Galmudug iyo dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa ka dhacay koonfurta gobolka Mudug.

Ciidamada huwanta ah ayaa wararku sheegayaan in ay qaadeen howlgal balaaran ay ku doonayaan in Al Shabaab uga saaraan deegaanno katirsan koonfurta gobolka Mudug oo wali gacanta Al Shabaab ku jira.

Sida aan wararka ku helnay dagaalka xoogiisa ayaa ka dhacay deegaanka Qaycad duleedkiisa, waxa ayna ciidamada halkaasi ku weerareen fariisimo Al Shabaab lahaayeen.

Dagaalka ka dhacay gobolka Mudug ayaa dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasdho iyo dhaawac, waxaana saraakiisha ciidanka doewladda hoggaamineysa guulo ka sheegteen dagaalka ay la galeen Al Shabaab.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta Galmudug ayaa doonaya in dagaal kula wareegaan deegaannada Al Shabaab wali ka maamulaan gobolka Mudug gaar ahaan deegaannada Caad iyo Camaara .

Ad
Previous articleAfwerki oo si adag uga hadlay ciidamadii lagu soo tababaray Eretria iyo Macawiisleey
Next articleWararkii ugu Danbeeyey ee weerarkii Alshabaab ku Qaadeen Guri ku Yaala Degmada C.Casiis

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here