Home Wararka maanta Xog: jiritaanka df somalia oo halis ugu jirta khilaafka xasan & abdiweli...

Xog: jiritaanka df somalia oo halis ugu jirta khilaafka xasan & abdiweli iyo go’aano kasoo baxay beesha caalamka…

0

Dowladda Federalka oo ay Beesha Caalamka taageersan yihiin ayaa waxaa haatan ku soo faruurmay mowjaddo siyaasadeed iyo mid dhaqaale, iyadoo ay Dowladda Maraykanka isbuucan qaadatay labo go’aan oo khatar ku noqon kara Masiirka Dowladda.

Khilaafka Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ayaana soo dedejiyey inay Beesha Caalamka mar kale dib u eegaan Istaraatijiyadda ku aadan Dowladda Somalia iyo Taakuleynta Dhaqaalaha iyo Diplomaasiyadda ee ay ku taageeraan.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in Dowladda Federalka oo aan lahayn Dhaqaale iyo awood ciiddan oo ku filan, ay khatar ugu jirto inay xaallad Kacaa-kuf oo kale gondaha la gasho, maadaama aysan Dowladda iska bixin karin miisaaniyadda ay Hay’addaha Dowladda iyo kuwa Amniga ku hawl-galaan.

Haddii ay Dowladda Maraykanka ka dhabayso inay jarto Dhqaalaaha Lacageed ee ay Dowladda Federalka siiyaan sannadkiiba, waxay taasi horseedi karta inay Dowladaha kale raacaan Khadka Maraykanka, iyagana ay bilaabaan culaysyo kale oo dhaqaale, diplomaasiyad iyo samafal.

Ergayga Gaarka ee Dowladda Maraykanka ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, James P.McAnuity ayaa dhawaan sheegay inay jari doonaan Kaalmadda Dhaqaale ee ay Dowladda Federalka Somalia siiyaan, wuxuuna go’aankaasi abuuri karaa turunturooyin cusub oo ugu yaraan fadhiid ka dhiga Hay’addaha iyo Khasnadda Dowladda.

Dowladda Maraykanka ayaa ah Dowladda dhaqaalaha ugu badan ugu tabarucda Dowladda Federalka, waxayna sannadkan ku yabooheen kaalmo dhaqaale oo dhan 58 million oo Dollars, iyadoo 271-million oo Dollars la siiyey Hwalgalka AMISOM.

Waxay kaloo Dowladda Maraykanka ugu yaboohday Ciiddanka Dowladda Federalka iyo kuwa Hawlgalka AMISOM lacag dhan 328-million oo Dollars

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in Khilaafka Madaxda Dowladda ee la xalin karo uu horseedayo inay Beesha Caalamka hakiyaan ama joojiyaan Taageeradda Dhaqaale iyo tan Siyaasadeed, waxayna taasi xagal-daacin kartaa Hawlaha Dowladda ee waayaddan dambe gaabiska ku noqday.

Goodinta Dowladda Maraykanka waxay kaloo saamayn ku yeelan kartaa Dhaqdhaqaaqyaddii Milliteriga ee ciiddanka Dowladda iyo kuwa AMISOM ee dagaalka Alshabaab.

Ciiddanka Dowladda iyo AMISOM waxay ku dhaqdhaqaaqaan Dhaqaalaha Caalamka ku yabooheen, mana jiraan kaalmo ay si toos ah uga helaan Dowladaha ay ciiddanka AMISOM ka soo jeedaan.

Xilligan Xasaasiyadda Siyaasadeed taagan tahay, Khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’isul-wasaaraha cirka ku shareeran yahay, Mooshinka Barlamaanka ee Kalsooni-u-qaadista Xukuumadda Ra’isul-wasaare Cabdi Weli Sheekh oo weli laalan tahay, Dowladaha Caalamkana dib uga fiirsanayaan Kalsoonidda ay ku qabaan Dowladda Federalka iyo xaalladdaha kale, waxay abuuri karaan inay Dowladda Federalka soo wajahaan marxallado kale iyo dib-u-dhac dhinacyo badan oo aysan ka soo kaban karin.

Farrimaha Dowladda Maraykanka ee Qaadacaadda Shirkii New Dealka ee Copenhagen iyo Goodinta in la jarayo Kaalmadda Dhaqaale ee la siinayo Dowladda Federalka iyo AMISOM, waxay si dhab ah u hirgeli karaan marka uu sii laba-laxaadsado Khilaafka Siyaasadda ee Madaxda Dowladda.

Markaynu doc kasta ka eegno, Goodinta Dowladda Maraykanka iyo walaaca Beesha Calaamka cadaadis-saar ma u noqon karaa inay shuruud la’aan heshiiyaan Madaxweynaha iyo Ra’isul-wasaaraha is-khilaafsan?

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here