Home Wararka maanta Daawo-sarkaal ka tirsan al-shabaab oo gacanta lagu dhigay isaga iyo hubkiisa…

Daawo-sarkaal ka tirsan al-shabaab oo gacanta lagu dhigay isaga iyo hubkiisa…

0

Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya oo maanta howlgalo ka sameeyay Deegaanka Lafoole ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayey kusoo qabteen nin la sheegay in uu ahaa Sargaal katirsan Al-Shabaab iyo hub kala duwan uu heestay.

Howlgalka ay sameeyeen Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo qabtay Maxamed Muxumed Yuusuf oo la sheegay in uu ahaa Sargaal katisan Shabaab iyo hub kala duwan ay kamid ahaayeen bam gacmeed, labo qori oo AK47, labo qori nuuca Jabshaha loo yaqaan iyo afar rasaas oo qorigaasi loo isticmaalo.

Sareeyo Guuto Axmed Xasan Maalin Taliyaha hogaanka howlaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in howlgal ay sameeyeen Ciidamada Dowlada kusoo qabteen sargaal katirsanaa Al-Shabaab iyo hub uu watay, waxa uuna intaa raaciyay in ninkan sharciga la horgeyn doono.

Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxa ay howlgalo lagu xaqiijinayo amaanka ka wadeen Magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda, waxa ayna ciidamada gacanta kusoo dhigeen dhalinyaro la tuhmayo iyo hub kala duwan.







10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here