Home Wararka maanta Cilmi-baadhis: dadka moobaylka isticmalaayey 25 sanno oo khatarta ugu jira in ay...

Cilmi-baadhis: dadka moobaylka isticmalaayey 25 sanno oo khatarta ugu jira in ay qadaan cudurka kansarka,,,

0

Cilmi-baadhis ay sameyeen khubaro u dhalatay dalka Sweden, ayaa sheegtay in dadka isticmaala moobaylka waqti ka badan 25 sannadood uu badan yahay fursada ay ku qaadi karaan xannuunka Kansarka.

 

 

Cilmi-badhayaashu waxay ogaadeen in dadka ku hadla moobaylada 25 sanno ay badan tahay fursadaha ay khatarta  ugu jiraan qaadista xannuunkaas, iyadoo la barbardhigay dadka muddo intaas ka yar isticmaala.

 

 

Daraasadan oo lagu daabacay jariirada Pathophysiology waxa lagu iftiimiyey in haddii ay sii badato waqtiga uu qofku isticmaalo telefoonku uu ku sii dhawaado qaadista kansarka.

 

 

“Khatartu waxay saddex jeer kor u kacda, haddii uu qofku 25 sanno isticmaalo moobaylka, arrintana si cad baannu u aragnay, una arki karnaa,” ayuu yidhi Dr. Lennart

 

 

Hardel oo cilmi-baadhayaasha ka mid ahaa.

 

 

Cilmi-baadhisan oo ah tii ugu ballaadhnay ee mawduuucan oo kale laga diyaariyey ilaa hadda may soo saarin caddaymo xooggan oo iftiiminaya natiijadooda ay ku dhawaaqeen amma in moobaylku kansarka sababo.

 

 

Ku dhawaad 5 qof, ayaa 100,000 qof ee reer Yurub ah laga helay kansarka maskaxda ku dhaca intii u dhaxaysay 1995 ilaa 2002 sida lagu daabaay daraasad la soo saaray sannadkii 2012 oo lagu daabacay jariirada European Journal of Cancer.

 

 

Khubarada daraasadan samaysay oo ka tirssan Jaamaadda University Hospital oo ku taal magaalada Orebro ee dalka Sweden waxay baadhitaan ku sameeyeen 1,380 bukaan qaba kansarka maskaxda, kuwaasoo dib u eegay isticmaalka moobaylkooda iyo muddada ay isticmaalaayeen, waxaana soo baxday in dadkii 20 ilaa 25 sanno moobaylka isticmaalaayey ay labalaab tahay khatarta ay xannuunkan ugu jiraan, marka loo eegay kuwii waqtigay ku hadlaayeen telefoonka uu ka yaraa intaas.

 

 

Hay’addo  cilmi-baadhis ku sameeya Kansarka, ayaa sheegay in telefoonnada gacantu sii dayaan shucaac (Radiation), kaasoo waxyeelo u gaysta dhegaha iyo maskaxdaba, iyagoo ka digay in si aad ah loo isticmalao.

 

 

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here