Home Wararka maanta Daawo=sawirada madaxweynaha ruushka iyo midka marekanka oo salaanta iska qaadin shir ay...

Daawo=sawirada madaxweynaha ruushka iyo midka marekanka oo salaanta iska qaadin shir ay ku kulmeen…

0

Hadal heeynta ugu badan warbaahinta Caalamka ayaa noqotay xaurgufti ay isku qaadeen madaxweeyna ,yaasha dalalka Mareeykanka iyo Ruushka Mr.Barack Obama & Mr.Vladimir Putin oo in mudo ah saaxiib ahaa waliba isku camiri jiray siyaasad ahaan balse iminka kala booday.

 

 

 

Labadaan Madxweeyne oo lagu casumay shirkii Asia Pazifik-Gipfel (APEC) oo ka dhacay dalka China ayaa wajiyadooda waxaa ka muuqday caro daran iyo Salaan la´aan kuwaas inta badan afka isku buurayay marka ay isku dhaw yihiin balse marka ay madaxda kale la hadlayeen waxay ahaayeen kuwo faraxsan oo xanaaq uusan ka muuqan.

 

 

 

Qilaafka iyo dagaalka u dhaxeeya labadaan Madaxweeyne oo lagu tiriyo kuwa ugu awooda badan Caalamka ayaa waxa uu qarxay ka dib markii ay Siyaasad ahaan la kala safteen garabyada ku dagaalamaya gudaha dalka Ukrain. Madaxweyne Barack Obama ayaa la jira dowlada dalka Ukrain iyo midawg Yurub balse Madaxweyne Vladimir Putin wuxuu la saftay xoogaga Calanka Ruushka saarsaday ee sheeganaya inay gebi ahaanba ka go´een dalka Ukrain intiisa kale.

 

 

 

Sidoo kale madaxweeynayaasha dalalka Mareeykanka iyo Ruushka Mr.Barack Obama & Mr.Vladimir Putin ayaa waxa ay aad iskugu qilaafsan yihiin dagaalada ka holcaya dalka Siiriya maxaa yeelay Putin ayaa la safan Madaxweynaha dalka Siiriya Mr.Basha Al Asad halka Obama iyo Midawga Yurub ay Bashar Al Asad ku eedeeyeen inuu masuul ka yahay dagaalada ahliga ah ee ka aloosan dalka Siiriya waliba aysan waxaan dhaceen hadii uu mar hore xilka iskaga dagi lahaa.

afbur_4(afbur_2afbur_1

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here