Home Wararka Maanta $20,000 ayuu ku bixiyey inuu Eey noqdo, haddaba muxuu iminka yahay, ma...

$20,000 ayuu ku bixiyey inuu Eey noqdo, haddaba muxuu iminka yahay, ma eey mise niin?

0

“Tani waa waxa aan ka helo, waanan sii wadi doonaa maxaa yeelay waxa ay iga dhigaysaa qof faraxsan aniga iyo dadka kaleba’ ayuu yidhi ninkan Japanese-ka ah ee ku qarash gareeyey lacagta ku dhaw 20 – ka kun ee dollar sidii uu u noqon lahaa ey sida ay baahisay warbaahinta wararka ee lagu magacaabo Euro News.

Ninkan aya soo baahiyey markii u horraysay muuqaal uu ku baahinayo isaga oo lugeynaysa bal muuqaal ahaan u eeg eyga oo kale.

Tallaabadan halista badan uu ninkan oo magaciisa lagu sheegay Toco, waana Jabbaaniis isticmaala barta youtube-ka.

Si uu gaadho hankiisii aan caadiga ahayn ee ahaa in uu u ekaado ey waxa uu ka helay oo iibsday hu’ heer sare ah oo farshaxan ahaan u eeg eyga taas oo ay sameeyeen shirkadda Jabbaaniiska ah ee lagu magaacbo Zeppet.Z.

Waxaana la arkayey isaga oo marmaraya gurigiisa dhexdiisa oo muuqaal ahaanna u eeg ey caadiya oo la nool qoys gaar ah.

Muuqaalkiisii ugu dambeeyay ayaa ahaa isaga oo markii ugu horreysay u soo baxay meelaha bulshada isugu timaaddo ee fagaarayaasha ah, oo ku soo faafiyey bartiisa Youtube-ka waxaa uu helay oo daawaday ku dhawaad 7 milyan o qof.

Sida laga soo xigtay Toco, muuqaal ayaa laga duubay sannadkii hore mar uu wareysi siinayay TV-ga Jarmalka ee RTL. “Nasiib wanaag, waxaan helay ogolaansho aan qalabkan iyo hu’gan ugu isticmaali karo muuqaalladayda oo dadka gaadhsiin karo, markaas waxaan u oggolaada in dadweynuhu ay ka daawadaan bartayda Youtubka.” wuxuu ku qoray sharaxaadda muuqaalka.

Toco ayaa kiraystay shirkad Japanese ah oo lagu magacaabo Zeppet sannadkii hore – taas oo caan ku ah abuurista farshaxannada iyo moodooyinka filimada – si ay u sameeyaan huga jilliinka ee qofka ama shirkadi ka codsato. Waxay ku qaadatay shirkadda 40 maalmood inay samayso dharkan.

Sida la saadaalin karo, Toco waxa uu kala kulmay dhalleecayn baahsan iyaga oo dadku ku eedaynayaan dedaalladiisa uu ku doonayo in uu ey ugu eekaado markii muuqaalladiisu aad u baaheen.

Dad badan ayaa kula taliyey in jacaylkan dheraadka ah ee u u qabo noqoshada ey ama xayawaan ay xanuun ku taxaluqdo, isla markaana ay tahay in uu gargaar caafimaad raadsado.

Isaga oo ka jawaabaya faallooyinka, Toco ayaa sheegay in aysan ahayn xanuun: “Kaliya waan ka xumahay in dadku ay sidaas u malayn karaan. Waan jeclahay xayawaanka oo waxaan ku raaxeeystaa u dhaqmidda sida eyga.”

“Tani waa hiwaayaddeyda, sidaas darteed waan sii wadi doonaa. Way iga farxisaa iyo dadka kaleba.”

“waxaan xasuustaa markaa aan dhiganayey dugsigaygii in aan ku qoray buuggaygii in maka aan weynaado aan oonayo in aan noqdo ey bannaanka iyo debedda mar mara”

Ad
Previous articleWaa kuma Sarkaal Cabdisataar C/qaadir Ciise oo Mar Isku Sayay inuu Dilo Madaxweyne Xasan Shiikh Hadana Alshabaab Ugalay?
Next articleCabdinaasir Maxamuud Nuux oo derbi-jiif ahaa haddana milkiile shirkadeed ah