Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Wa Sidee Xaalka Kursigii Xildhibaanad Aamino Maxamed Cabdi iyo Culays ka ahaysta...

Wa Sidee Xaalka Kursigii Xildhibaanad Aamino Maxamed Cabdi iyo Culays ka ahaysta Cali Guudlwaaye Cali kursigaas

0

Kursiga xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi ee yaala Magaalada Beledweyne ayaa dood xooggan ka dhex abuuray Baraha Bulshada kadib markii ay soo xoogeysteen wararka sheegaya in xildhibaan Aamina ay qarka u saaran tahay inay kursiga lumiso.

Kursigaan waa HOPP#135, Dadka doonaya inay Aamina kusoo laabato Kursiga waxay daliishanayaan dorokeedii xaq u dirirka ahaa ee kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo aan weli dhinac u dhicin.

Inkastoo dadka u doodayo Aamina mucaaradka u badan yihiin haddana waxaan dood badan ka jirin inay Aamina si aan dhuumasho laheyn u wajahday Kiiska Ikraan Tahliil Faarah.

Culeys xoog leh ayaa saaran dib u doorashada xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi, Laba dhinac ayuu culeyska ka heystaa, mid waa dhanka Villa Somalia midna waa xisaabta qabiilka.

Maamulka madaxweyne Farmaajo gaar ahaan taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir waxaa lagu eedeenayaa inuu culeys badan saarayo hoggaanka maamulka Hirshabelle, culeyskaan waa in aysan Aamina kusoo bixin HOPP#135.

Dadka arrintaan Fahad ku eedeenayo waxay leeyihiin wuxuu Fahad diidan yahay in Aamina kiiska Ikraan Tahliil usoo rarto Golaha Shacabka.

Cilaaqaadka maamulka Hirshabelle iyo Fahad Yaasiin waa mid aad u xooggan. Saacadihii lasoo dhaafay waxaa soo baxay warar sheegaya in kursigaan laga dhigay kooto Rag oo uu maamulka meesha ka saaray dib usoo laabashada Aamina waana sababta uu mudaaharaad qoraal ah uga dhex socdo Facebook.

 

Culeyska Labaad ee heysta xildhibaan aamina wuxuu la xiriiraa xisaabta qabiilka, Aamina Maxamed Cabdi waxay qaraabo dhow yihiin guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Cabdixakiim Luqmaan, waxayna qeyb Beesha kamid ah ku doodeysaa in jufadaas aysan wada qaadan karin guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle iyo Xildhibaan heer Federaal ah.

Xisaabtaan qabiilka dhexdiisa ah culeyskeeda ayey leedahay marka la eego dib usoo noqoshada xildhibaan Aamina.

Haddaba yaa loo wadaa kursigaan?

Waxaa ugu cadcad inuu kursigaan kusoo baxo Cumar Faaruuq Cusmaan oo ah xoghayahan  ururka suxufiyiinta Qaranka ee NUSOJ.

Cumar oo waayihii dambe aad ugu dhawaa nidaamka Villa Somalia ayaa taageero buuxda ka helayo waqtigaan kooxda madaxweyne Farmaajo.

Xiisadda kursigaan waxay mararka qaar u muuqaneysaa loolan u dhaxeeya mucaaradka iyo muxaafidka. Mid kamid ah madaxda sare ee maamulka Hirsabelle oo aan arrinta kursigaan wax ka waydiinay wuxuu inoo xaqiijiyey in kursigan HOPP#135 uu Cumar Faaruuq kusoo bixi doono haddii aysan xaaladda wax ka badalin culeyska maalmahaan ka socda warbaahinta ee lagu garab istaagayo xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi.

Hoggaamiyaha maamulka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe wuxuu kursigaan ku yahay imtixaan gaar ah, dhinac waxaa ka taagan Shacab, siyaasiyiin iyo Dad waxgal ah oo dalbanaya in kursiga Aamina lagu soo celiyo, dhinaca kale waxaa ka taagan kooxda madaxweyne Farmaajo oo abaal sheegasho badan wata, dhinacna waxaa taagan reerkii kursiga lahaa oo xisaabta isaga maran tahay, halka uu dhanka kale joogo guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle oo kuraastii kale ee deegaanka taalay u dhaafay Guudlaawe iyo Dabageed balse qasab u arka in kursiga jufadiisa laga tala geliyo.

 

Waxaa si weyn loo eegayaa  sida uu hoggaamiyaha Hirshabelle uga baxsado xujada kursigaan, balse rajada xildhibaan Aamina ee kursigaan aad ayaa looga deyrinayaa.

Waa macquul in baaqa iyo cadaadiska tooska ah ee la saarayo Cali Guudlaawe maalmahaan inuu wax u gooyo Gabadhaan.

NISA oo faah faahin ka bixisay duqeymo 24 kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay Shabeelooyinka

War ay soo saartay Hay'adda NISA ayaa lagu sheegay in Howlgal duqeyn ah oo ay iska kaashadeen Ciidamada Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyo Ciidamada Xoogga dalka ay

Dowladaha Itoobiya iyo Israa’iil oo iska Caawinaya la dagaalanka Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta

Dowladda Israa’iil ayaa Itoobiya ka codsatay inay iskaashi ka sameeyaan la dagaalanka argagixisada Bariga Dhexe iyo Afrika, iyagoo argagixisada ku tilmaamay cadow ay wadaagaan labada dal. Shir jaraa’id oo ay

Nin Qof Shacab ah Dilay oo lagu Qabtay Magaalada Hargeysa

Booliiska Somaliland ayaa Khamiistii soo qabtay nin lagu eedeynayo inuu qof kale ku dilay degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa. Qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Ciidanka Booliiska ayaa lagu

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku
Ad
Previous articleWeerar lagu qaaday Warshada Nukliyeerka ee Ukraine oo Cabsi ku abuurtay Yurub
Next articleAqriso: Magacyada 16ka Xildhibaan ee Maantay lagu Dortay Boosaaso wax ka yar labasaacadood gudahood