Home Wararka Maanta 13kun oo Macalin oo Maantay U Fariistay Imtixaan Ka dhacay…

13kun oo Macalin oo Maantay U Fariistay Imtixaan Ka dhacay…

0

Waxaa maanta si rasmi ah u billowday imtixaan ay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ku qaadaneyso macallimiin cusub oo gaaraya illaa 3 kun oo macallimiin ah, kuwaas oo ka howlgeli doono goobaha waxbarashada ee dowladda.

Imtixaankan oo ah mid qaran ayaa waxaa uu ka furmay magaalada Muqdisho iyo dowlad goboleedyada dalka oo uu ku jiro maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo.

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo la hadlay warbaahinta ayaa faah-faahiyay imtixaankan, wuxuuna sheegay inay isku soo diiwaan-geliyeen 26540, balse dib u qiimeyn kadib imtixaanka loo ogolaaday macallimiin gaareysa illaa 13,250

“Waxaana halkaanu ku daah-furnay imtixaanka ay galayaan macallimiinta soo dalbaday shaqada macallinimo ee sanadkan 2024, tirada macallimiinta soo dalbatay waxay ahaayeen 26540, markii dib loo eegay waxaa soo haray 13,250” ayuu yiri wasiirka waxbarashada.

Sidoo kale wuxuu kusii daray “Dhammaan dadka la reebay waxaa loo furay fursad ah cabasho, si waxa ay ka cabanayaan usoo gudbisadaan. Dadkii cabashadooda ay sax noqoto waxaa loo ogolaaday inay imtixaanka galaan”.

Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa sheegay in imtixaanka lagu galayo illaa 45 goobood oo ay wasaaraddu ugu talagashay ku kala yaalla Muqdisho iyo gobollada dalka.

“Waxay maanta 13 kaas kun imtixaanka ku galayaan 45 goobood oo ka tirsan dalkeenna Soomaaliya, 19 degmo oo dowlad goboleedyada ku yaallo iyo 14 goobood oo gobolka Banaadir ah ayay imtixaanadaas ku galayan” ayuu mar kale yiri Faarax Sheekh C/qaadir.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in macallimiinta kusoo gudbo imtixaankan ay mar kale sii mari doonaan imtixaan kale oo afka ah, kadibna sidaas lagu qaadan doono.

“Maanta imtixaanka la galayo isagana markii la saxo dadka kusoo gudba waxa ay geli doonaan imtixaan kale oo afka ah, laakiin kuwa aan ku gudbin iyagana waxa ay leeyihiin fursad ah inay cabasho soo gudbiyaan, si ay loogu hubiyo natiijada” ayuu mar kale yiri.

Wuxuu gabagabadii yiri “Shaku ma laha 13 kun oo 3 kun laga qaadanayo in aad iyo aad u adag tahay tartankana u culus yahay, waxaana la qaadan doonaa inta ugu darajada sarreysa, iyada oo mudnaanta lasiin doono gabdhaha macallimiinta ah”

Ad
Previous articleSoomaaliland oo Ka Hadashay Amarkii Dowlada Siomaaliya Kusoo Rogtay Xawaaladaha
Next articleXildhibaanada Baarlamaanka Ee Beelaha Hawiye oo Shir Deg Deg ah Isugu Yimid(Sawiro)