Home Wararka Maanta 10 Soomaali lagu soo oogay inay lunsadeen Lacag loo qoondeeyey Quudinta Carruur

10 Soomaali lagu soo oogay inay lunsadeen Lacag loo qoondeeyey Quudinta Carruur

0

Dacwad-Oogayaasha Federalka Maraykanka waxay xalay soo bandhigeen Dacwado ka dhan 10 Eedeysane oo dheeraad ah, kuwaasi oo lala xiriirinayo Khiyaano Baahsan oo lagu dhacay Malaayiin Dollar oo Federalka, oo loo qoondeeyey in lagu quudiyo carruurta baahnaa muddadii lagu guda-jiray Xilliga Aafada ee COVID-19.

Dacwad-Oogayaasha waxay sheegeen inay 60 qof haatan lagu soo oogay Dacwado lagu lunsaday 250 milyan oo Dollar.

Sanadkii hore, 50 Eedeysanayaal Somali Maraykan ah ayaa lagu soo oogay Kiisas noocaasi ah, iyadoo ay 6 Eedeysane oo keliya qirteen Dacwadaha lagu soo oogay Xeer-Ilaaliyaha Maraykanka ee Gobalka Minnesota, Andy Luger oo Shir Jaraa’id qabtay shalay oo Isniin ahayd (13-kii March 2023) waxa uu ka hadlay Dacwadaha lagu soo oogay 10 qof ee Somali-Maraykanka ah, wuxuuna sheegay inay rajeynayaan inay keenaan Dacwado Cusub mustaqbalka.

Waxa uu intaasi ku daray inay Maamulayaasha Federalka ay gacanta ku dhigeen Hanti kala duwan oo lagu qiimeeyey 66.6 milyan oo Dollar oo ay ku jiraan Gaadiid lagu qiimeeyey 4 milyan oo Dollar.

Xeer-ilaaliyaha Gobalka Minnesota, Andy Luger waxa uu tilmaamay in 60-ka Eedeysane lahaayeen Hantidaasi la soo qabtay.

Eedeysanayaashaasi waxaa la sheegay Halkii ay Lacagta Federalka ku quudin lahaayeen Carruurta Baahan inay lunsadeen Lacagihii, kuna iibsadeen Hanti Khaas ah, sida Hantida Ma-guurtada, Gaadiidka Raaxada iyo Socdaal Dalxiis iyo Tamashlayn ahaa, waa sida lagu xusay Xogta Kooxda Kiiskan ugu qaabilsan Dembi-baarista dalkaasi.

Sida laga soo xigtay Dukumentiyada Maxkamadda Federalka waxaa qaar ka mid ah Eedeysanayaasha lagu eedeynayaa inay lunsadeen inta u dhexeyso 1.1 milyan oo Dollar ilaa 11.8 milyan oo Dollar oo ah Lacagihii Federalka ee Cuntada Kaalmada (Food-aid money).
La-dacweeyayaasha oo dhan waxaa la rumeysan yahay inay ku sugan yihiin gudaha dalka Maraykanka, iyadoo dhowr ka mid ah kuwii la soo dacweeyey sanadkii hore ay isku dayeen inay ka dhoofaan Maraykanka, halka kuwo kalena iyagoo Dibedda ku maqan lagu soo oogay Dacwado.

Dhinaca kale, Magacyada dadka Somali-Maraykanka ee shalay lagu soo oogay Dacwaddaha ayaa la soo bandhigay, waxayna kala yihiin:-

1- Mohamed Ali Hussein oo deggan Faribault,
2- Lul Bashir Ali oo deggan Faribault,
3- Mulata Yusuf Ali oo deggan Minneapolis,
4-Kawsar Jama oo deggan Eagan,
5- Abdikadir Kadiye oo deggan Minneapolis,
6- Abdulkadir Awale oo deggan Bloomington,
7- Khadra Abdi oo deggan Minneapolis,
8- Ayan Farah Abukar oo deggan Savage,
9- Sade Osman Hashi oo deggan Minneapolis,
10- Sharon Ross oo deggan Big Lake.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleDhaawaca guddoomiyaha gobolka Gedo oo loo qaaday Muqdisho
Next articleHaweeney horey tuug u ahayd oo loo magacaabay xafiis maaliyadeed.