Home Wararka Maanta 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫 𝐂𝐚𝐥𝐢 𝐁𝐚𝐥𝐜𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥 𝐜𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐥𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐢𝐢𝐛𝐚𝐲 – 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐢𝐫𝐚...

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫 𝐂𝐚𝐥𝐢 𝐁𝐚𝐥𝐜𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥 𝐜𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐥𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐢𝐢𝐛𝐚𝐲 – 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐢𝐫𝐚 𝐢𝐧𝐚𝐲 𝐢𝐬𝐤𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐜𝐞𝐞𝐧 𝐅𝐢𝐪𝐢?

0

Wasiiru-dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Cali Balcad ayaa loo magacaabay u qeybsanaha arrimaha xiriirka bulshada bariga Afrika oo Soomaaliya si rasmi ah ay ugu biirtay daba-yaaqada sanadkii dhammaaday.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa dikreetada uu ku magacaabay Cali Balcad ku sheegay in xilka loo magacaabay wasiiru-dowlaha uu muhiim u yahay Soomaaliya. Sidoo kale, Xamza ayaa warqadda magacaabidda ku sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu kala tashaday.

Dikreetadaan laguma cadeyn in Cali Balcad uu sii ahaan doono wasiiru-dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda iyo in xilkaas laga qaaday toona.

Balcad ayaa muddo kusime ka ahaa wasaaradda arrimaha dibadda intii aan loo magacaabin wasiir Axmed Macalin Fiqi, hada warar soo baxaya waxay sheegayaan inay isku dhaceen Fiqi.

Sidoo kale Cali Balcad wuxuu saaxiib dhow la yahay madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud, sidoo kale Cali Balcad ayaa awood badan ku lahaa wasaaradda markii uu joogay Wasiirkii hore Abshir Haruuse.

Ad
Previous articleWararkii Ugu danbeeyey Khasaaraha Ka Dhashay Dagaalkii Beelaha Sacad iyo Laylkase
Next articleMareykanka oo xoojinaya joogitaankiisa Milateri ee Somalia ka dib arrin soo korortay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here