Home Wararka Maanta Hoggaamiye mucaaradka ITOOBIYA ka tirsanaa ee meydkiisa la helay

Hoggaamiye mucaaradka ITOOBIYA ka tirsanaa ee meydkiisa la helay

0

Hoggaamiye sare oo ka tirsan mucaaradka Itoobiya kana soo jeeda gobolka Oromia ayaa meydkiisa la helay Arbacadii, isaga oo la toogtay, saacado kadib markii ay xireen ciidamada dowladda, waxaa sidaas sheegay xisbigiisa.

Bate Urgessa, oo ka tirsanaa xisbiga Jabhadda Xoreynta Oromia (OLF), ayaa bishii tagtay lagu sii daayey damaanad kadib markii lala xiray saxafi u dhashay Faransiiska Antoine Galindo.

41-jirkan ayaa waxaa mar kale goor dambe oo Talaadadii ah xiray “ciidamo hubaysan oo kuwa dowladda ah,” isagoo ku sugan hoteel ku yaalla magaalada Meki, oo 150 km u jirta koonfurta caasimadda Addis Ababa, waxaa sidaas AFP u sheegay afhayeenka OLF Lemi Gemechu.

“Waxaa kadib muddo kooban loo kaxeeyey xarun dadka lagu hayo oo ku taal magaalada,” ayuu yiri Lemi.

“Qoyksa Bate ayaa xaqiijiyey in meydkiisa laga helay waddo ku taalla meel lagu magacaabo Melissa, dhacda duleedka magaalada Meki,” ayuu yiri, isaga oo intaas ku daray in la toogtay.

Meydka ayaa waxaa la helay subaxii Arbacada, ayuu yiri, wuxuuna intaas raaciyey inaysan sheegi karin in ciidamada xiray Bate ay ka tirsanaayeen ciidamada federaalka ama kuwa dowladda gobolka.

Weli ma jiro war kasoo baxay dowladda federaalka, hase yeeshee mas’uuliyiinta gobolka ayaa sheegay inaan la aqbali karin isku dayga loogu eedeynayo “khaarajinta” Bate.

“Maamulka Gobolka Oromia waxa uu si adag u cambaareynayaa dilka Bate Urgessa, kaas oo ay fuliyeen qolo aan haybtooda la aqoonsan,” ayuu maamulka ku yiri boggooda rasmiga ah ee Facebook.

Ururka OLF, oo isu arka inii yahay codka shacabka Oromada, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in ay ka war heleen geerida ayna tahay “xanuun iyo murugo aad u daran”.

“Dilka aan loo meel dayin ee sharci-darrada ah ee ka dhanka ah kuwa ugu firfircoon siyaasadda iyo dhaqanka Oromada waa fal qorsheysan oo mas’uuliyad-darro ah oo lagu aamusinayo Oromada, soona socday sannado iyo tobaneeyo sano,” ayuu yiri OLF.

Guddiga Xuquuqda Aadanaha Itoobiya (EHRC) — oo ah guddi madax-banaan kuna xiran dowladda — ayaa Arbacadii ugu baaqay dowladda dhexe iyo tan gobolka inay “baaritaan deg deg iyo dhex-dhexaad ah oo buuxa” ku sameeyaan dilka Bate.

“La xisaabtama dambiilayaasha,” ayuu madaxa EHRC Daniel Bekele ku qoray barta X, ee hore loogu yaqiin Twitter.

Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa sidoo kale samaysay codsiyo taas la mid ah.

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Kulan Xasaasi ah oo Dhexmaray Xasan iyo Rutto
Next articlePuntland oo War Hor leh kasoo Saaratay Khilaafkii Kala Dhaxeeyey Dowlada Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here