Home Wararka Somaliya Gaalkacyo: Dilka Ganacsade Ahmed Tahliil Rag ku eedeysan oo la qabtay

Gaalkacyo: Dilka Ganacsade Ahmed Tahliil Rag ku eedeysan oo la qabtay

0

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Feysal Sheekh Cali oo ay wehlinayeen Taliyaha qyebta Booliska Gobolka Mudug iyo Taliyaha Madaxtooyada ayaa howlgal ay sameeyeen waxaa ay ku guuleysteen inay gacanta kusoo dhigaan maleeshiyaad shalay Magaalada Gaalkacyo ku dilay Ganacsade Axmed Tahliil.

Ciidamada ay hoggaaminayeen mas’uuliyiintaan ayaa hareereeyeen maleeshiyaadka oo hubeysnaa xilli ay ku  sugnaayeen ku taal duleedka Degmada Bursaalax, iyaga oo ugu dambey ku guuleysten 5 rag ah oo ku eedeysan dilka Ganacsatada.

War kasoo baxay Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland ayaa loogu mahad celiyay Shacabkii laamaha amniga kala Shaqeeyay soo qabashada raggaas, isla markaana ay cadaalad marsiin doonaan maleeshiyaadkaas.

Horay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug iyo degaano hoostaga waxaa uga dhacay colaad beeleedyo soo laab laabtay iyo dilal aanooyin qabiil ah, kuwaas o intooda badan xal laga gaaray.

Dilkii shalay Magaalada Gaalkacyo loogu geystay Alle ha u naxariistee Ganacsade Axmed Tahliil ayaa waxaa la sheegay in uu salka ku haayay muran iyo isqabqabsi ka dhashay wiil ay isku hayteen marxuumka la dilay walaalkiisa oo ku sugan Garoowe iyo mid ka mid ah dableyda dilka gaystay.

Ad
Previous articleMudug: Maleeshiyo ka kala tirsan Galmudug iyo Puntland oo la kala qaaday
Next articleAddis Ababa: Madaxweynaha Somaliya oo gaaray Caasimada Itoobiya:- Sawiro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here