Home Wararka Maanta Ciidamada Turkiga Oo Durbaba Dhaqdhaqaaq ka Dhan ah Itoobiya ka bilaabay Xeebaha...

Ciidamada Turkiga Oo Durbaba Dhaqdhaqaaq ka Dhan ah Itoobiya ka bilaabay Xeebaha Soomaaliland

0

Saraakiil ka socota ciidamada badda Soomaaliya iyo Turkiga ayaa Jimcihii billaabay sahminta saldhigyo ciidan oo laga sameynayo gudaha badda, gaar ahaan xeebaha gobollada waqooyi ee Somaliland, si Itoobiya looga difaaco badda Soomaaliya.

Sida aan xog ku helnay, saldhigyada ugu muhiimsan waxaa lagu abaarayaa magaalooyinka Baki iyo Seylac oo ku yaalla goobo istaraatiiji ah, ilaa xeebaha ku dhow Jabuuti ayaa lagu sameynayaa sahankaan.

Saraakiisha sameyneysa sahanka waxay isugu jiraan Soomaali iyo Turki, waxayna wataan diyaarado militeri, waxaana lagu wadaa in sahankaan ay ku jirayaan maalmahaan, maadaama la dejinayo qorshihii ciidamada Turkigu ay ku soo degi lahaayeen badda Soomaaliya.

Xeebaha gobolka Awdal ilaa xuduudda Soomaaliya iyo Jabuuti waa biyaha muhiimka ah ee laga difaacayo Itoobiya, waxaana dhankaas u bada doona saldhigyada ciidamada badda Turkiga, sida ay Caasimada Online u sheegeen saraakiil xog ogaal ah.

Toddobaadyada soo socda waxaa lagu wadaa in xeebaha Soomaaliya ay soo gaaraan maraakiib dagaal iyo ciidamo ka socda Turkiga, si loo guda-galo dhaqan gelinta heshiiskii difaaca ee Soomaaliya ay la saxiixatay Turkiga.

Sahanka ka socda badda Soomaaliya ayaa ku soo aadaya iyadoo dalka Turkiga uu joogo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, halkaas oo madaxweynaha Turkiga uu kula kulmay, arrimihii ay ka wadahadleena waxaa ku jirtay in la dedejiyo qorshaha ciidamada Turkiga lagu dejinayo badda Soomaaliya.

Qorshahani wax weyn ayuu uga dhigan yahay Soomaaliya, waxaa difaac adag heli doonta badda Soomaaliya, waxaana awood militeri lagu burinayaa heshiiskii Somaliland ay badda ku siisay Itoobiya.

Ad
Previous articleCiidmada Amaanka Galmudug oo Xabsiga Dhigay Lamaane aroos ahaa Xili Gurigooda Loo Galbinaayay
Next articleDowlada Soomaaliya oo War Cusub kasoo Saaratay Heshiiska Difaaca Bada Soomaaliye ee Turkiga La Gashay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here