Home Wararka Maanta Norwa: Waalidka Somaliyed ee Caruurta uga soo taga Dibada in la Ganaaxo...

Norwa: Waalidka Somaliyed ee Caruurta uga soo taga Dibada in la Ganaaxo oo lagu baaqay

0

Xildhibaanad ka tirsan Norway oo lagu magacaabo Hadia Tajik ayaa ku baaqday in la ganaaxo waalidka caruurtiisa uga soo taga dalka dibadiisa isla markana halkaasi u geeya qaab dhaqan celis ah.

Xildhibaanada ayaa hadalkan sheegtay kadib markii uu talafashinka Dalkaasi ee NRK uu warbixin ka diyaariyay caruurta waalidkooda ay ugu soo tagaan dalka dibadiisa iyagoo geeya xaruumo dhaqan-celin ah sida dugsi quraan.

Wiil 11 jir ah ayaa ku guuleystay inuu fariin u diro qof uu ku kalsoon yahay Norway. “Waxaan joogaa Soomaaliya waxaan u baahanahay gargaar”.

Sida uu sheegay wiilkan, waxaa looga tagay Soomaaliya, oo uu aaday dugsi qur’aan. NRK ma awoodin inuu raadiyo halka uu hadda joogo. Sidoo kale saaxiibadii iyo dadkii ay yaqaaneen ee ku nool magaalada Norway ee uu ku noolaa, kuwaas oo ka walaacsan wiilka.

Dowlada Norway ayaa hore u soo saartay go’ano looga hortagayo Waalidka Caruurta uga soo taga dalka dibadiisa.

Somaliska Oslo

Ad
Previous articleSweden: 30 Qof oo la xiray iyadoo la adeegsanayo isticmaalka Sharciga Cusub ee Dhageysiga Telefanka
Next articleDowladda Itoobiya ayaa dhowaan weerar culus ku qaadday kooxdan, balse halkee ayay kasoo askumeen, maxayse isku hayaan iyaga iyo dowladda?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here