Home Wararka Somaliya Jubbaland Odayaal dhaqameed caan ah oo labo toddobaad ka badan ku xiran Kismaayo...

Odayaal dhaqameed caan ah oo labo toddobaad ka badan ku xiran Kismaayo iyo Sababta oo la ogaaday

0

Magaalada Kismaayo ee xarunta dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa waxaa muddo labo toddobaad ka badan ku xiran saddex oday dhaqameed oo kamid ah dhaqanka ugu caansan deegaanada maamulkaasi.

Odayaasha xiran ayaa kala ah Ugaas Axmed Ugaas Siraad Ugaas Baqow, Nabadoon Cabdullaahi Bile Siciid iyo Nabadoon Cabdi Bare Maxamed (Bare Ashuun), kuwaasi oo ka soo jeeda beesha Hartiga.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Saddexdaan Oday dhaqameed la xiray kadib markii ay degmada Jilib u tageen xarig ay kooxda Al-Shabaab u gaysatay ganacsato ka soo jeeda beeshooda.

Odayaal dhaqameedkaan ayaa weli wax maxkamad ah la gayn, ayada oo maamulka Jubbaland uu mamnuucay in laga hadlo xarigooda, xili ay Kismaayo ku xiran yihiin in ka badan labo toddobaad.

Nabadoon ku sugan Kismaayo oo la hadlay warbaahinta gudaha, islamarkaana codsaday in aan magaciisa la xusin sababo amni awgeed ayaa sheegay in maamulka Axmed Madoobe uu ku gacan seyray ergo ay ka galeen odayaal dhaqameedka xiran.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Sheekh oo Xariga ka jaray Dhismaha Isbitaalka cusub Sheekh Axmed Gabyoow(Sawirro)
Next articleGermalka oo Fududeenaya Helitaanka Dhalashada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here