Home puntland Gudoomiyaha Barlamaanka Puntland oo xilka laga qaaday

Gudoomiyaha Barlamaanka Puntland oo xilka laga qaaday

0

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland oo goor dhow kulan deg deg ah ku yeeshay xaruntooda magaalada Garoowe ayaa xilka ka qaaday Guddoomiyihii Baralamaanka Puntland C/xakiin Dhoobo Daarood ka dib mooshin laga keenay.

Illaa 49 ka mid ah 53 xildhibaan oo kulanka soo xaadiray ayaa cod gacan tag ah ku ansixiyey in xilka laga qaado Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Dhoobo Daarood, waxaana ka aamusay 4 xildhibaan.

Guddoomiye Dhooba-daarood ayaa hoolka Baarlamaanka aan ku sugnayn xiliga codaynta xilka qaadistiisa loo samaynayey.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamanka Puntland Cabdicasiis Cabdullaahi ayaa ku dhawaaqay guddi 7-xubnood ah oo diyaarinaysa doorashada Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka oo dhacaysa 14-ka bishan sida uu sheegay.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here