Home galmudug (Sawiro) Hobyo oo lagu soo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.

(Sawiro) Hobyo oo lagu soo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.

0

Madaxweynaha D.G Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa manta waxa uu booqasho ku tagay Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Hobyo kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha Degmada Hobyo Agaasimaha Guud ee wasaarada Arimaha Gudaha Galmudug iyo masuuliyiin ay ka mid yihiin kuwa ka qeyb galayay shirka ka socda Magalada Hobyo.

Madaxweynaha ayaa bulshada ku dhaqan Degmada Hobyo waxa uu kaga mahadceliyay sida diiran ee loogu soo dhaweeyay Hobyo waxa uuna inta uu joogo Magaalada la kulmi doona qeybaha kala duwan bulshada.

Xaaf ayaa gaaray Hobyo xili xaalada Galmudug ay tahay mid adag marka la eego waxa ka socda magaalada Dhuusomareeb ee u dhaxeeya dowlada iyo Ahlu-suna.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here