Home wararka Dalka Xasan Kheyre oo Xil Cusub u Magacaabay Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta...

Xasan Kheyre oo Xil Cusub u Magacaabay Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta (Akhriso Wareegto

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa Wareegto kasoo baxday Xafiiskiisa waxaa Maareeyaha guud ee Wakaaladda horumarinta dhismaha Soomaaliyeed loogu Magacaabay Taliyihii hore ee Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed Bashiir Maxamed Jaamac( Bashiir Goobe).

Wareegtada ayaa lagu sheegay in markii Ra’iisul Wasaaraha uu arkay baahida loo qabo dib u howlgelinta Wakaalada horumarinta dhismaha Soomaaliyeed & Aqoonta & waaya aragnimada sareeye Guuto Bashiir Maxamed Jaamac loo Magacaabay xilkaas.

Sidoo kale wareegtada ayaa lagu xusay in Xarunta Wakaalada horumarinta dhismaah Soomaaliyeed ay noqon doonto Xarunta Bisha Cas Ex-TIKA ee degmada Wadajir.

22-kii Bishaan ayay aheyd markii xilka qaadis lagu sameeyay talihii Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Bashiir Maxamed Jaamac,hayeeshee Maanta loo Magacaabay Maareeyaha guud ee Wakaaladda horumarinta dhismaha Soomaaliyeed.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here