Waxaa haatan magaalada Dhuusamareeb shir ugu soconayaa madax ka tirsan hoggaanka Ahlusuna waljamaaca
Shirkan ayaa waxaa uu u dhexeeyaa Sheekh Cabdirisaaq Al-shcari, Macalin Maxamuud iyo madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlayaa Amniga Magaalada Dhuusamareeb iyo ciidamada ay Dowladda geysay Magaaladaasi.
Ahlusuna ayaa walaac xoog leh waxaa ay ka muujinaysaa ammaanka guud ee Magaalada Dhuusamareeb ee Gobalka Galgaduud.
Shirka marka uu soo dhamaado ayaa la filayaa in hoggaanka Ahlusuna ay war saxaafadeed ka soo saaraan shirkooda
Lasoco waxa soo kordha