Home galmudug Hogaanka Ahlu-suna oo ku dhawaaqay go’an ka dhan ah Dowlada oo kasoo...

Hogaanka Ahlu-suna oo ku dhawaaqay go’an ka dhan ah Dowlada oo kasoo saareen Shir uga socday Dhuusomareeb

0

Shir maalmihii ugu dambeeyay ka socday Magaalada Dhuusamareeb oo ay lahaayeen Culimo u diinka Ahlusunna ee degaanada maamulka Galmudug ayaa laga soo saaray digniin ka dhan ah dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Shirkaan waxa Shir gudoominaayay Hoggaamiyaha Ahlusunna Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax, waxaana looga soo horjeestay sida ay wax ku waddaan Guddiga dib u heshiisiinta maamulka Galmudug.

Warqad kasoo baxday Macalin Maxamuud ayaa lagu sheegay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay guud ahaan ka baxday heshiisyaddii ay la gaartay maamulka Ahlusunna, islamarkaana beesha Caalamka ay ugu baaqayaan in arintaasi wax laga qabto.

Ahlusunna ayaa sheegtay in sidoo kale aysan ogolaan doonin in Ciidamo ka socda AMISOM laga geeyo Magaalada Dhuusamareeb, waxaana ay xustay in ay qaadi doonto tilaabo ka dhan ah arintaasi.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here