Home jubaland Kismaayo oo lagu doortay Cabdi nasir Seeraar oo Noqday Madaxweynihii 3 aad

Kismaayo oo lagu doortay Cabdi nasir Seeraar oo Noqday Madaxweynihii 3 aad

0

Kismaayo waxaa maanta looga dhawaaqay Madaxweyne 3aad oo la sheegay in lagu doortay magaaladaasi, kadib doorasho laba dhinac ah oo shalay halkaasi ka dhacday.

Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in magaalada Kismaayo lagu doortay C/Naasir Seeraar Maax oo ka mid ahaa musharixiinta isbedeldoonka Jubbaland, wuxuuna sheegay inay xildhibaannada Jubbaland u doorteen xilkan, isla markaana uu isagu yahay madaxweynaha sharciga ah ee Jubbaland.

C/naasir Seeraar ayaa hore u ahaa afhayeenka kooxdii Raaskaambooni ee Axmed Madoobe hoggaamin jiray iyo maamulkii Jubbaland.

Waxaa lagu tilmaamaa ninka ugu awood badnaa mucaaradka Axmed Madoobe ee jooga Kismaayo.

Golihii Isbaheysiga Jubbaland ee mucaaradka ayaa u kala jabay dhinacyo kala duwan oo shalay qeyb ka mida ay doorteen C/rashiid Xiddig, halka maanta ay qeyb kale doorteen C/naasiir Seeraar, waxaana jira xubno kale oo qaatay mowqif dhexdhexaad ah.

Shalay ayaa magaalada Kismaayo dib loogu doortay Axmed Madoobe oo markii saddexaad xilkaas loo dhaariyey, waxaana Doorashooyinka Kismaayo sharci darro ku tilmaantay Dowladda Federaalka.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here