Home jubaland (Sawiro) Cabdi Rashiid Xidig oo isna loo doortay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland

(Sawiro) Cabdi Rashiid Xidig oo isna loo doortay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland

0

Baarlamaanka Isbadal doonka ee Jubbaland ayaa goordhaw doorasho ay ku qabteen magaalada Kismaayo waxa ay Madaxweynaha maamulka Jubbaland ugu doorteen Cabdirashiid Maxamed Xidig .

Doorashadan oon si toos ah loo daawaneyn ayaa Xildhibaanada isbadal doonka ah ugu codeeyeen in Madaxweynaha Jubbaland uu noqdo Cabdirashiid Maxamed Xidig oo kamid ahaa musharaxiinta kasoo horjeeday dib u doorashada Axmed Madoobe.

Doorashadan ayaa soo dhamaatay kahor inta aan la shaacin natiijada doorasho kale oo isna ku guuleestay Sheekh Axmed Madoobe oo horey loo filayay in uu isna kusoo baxayo doorashadan.

Magaalada Kismaayo ayaa maanta siyaabo kala duwan loogu doortay labo Madaxweyne uu yeelanayo maamulka Jubbaland, lamana oga sida uu ku dambeyn doonto xaalada magaalada Kismaayo oo maanta lagu doortay labo Madaxweyne oo isdiidan.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here