Home jubaland (Akhriso) Beesha Caalamka oo war kasoo saartay Doorasha Jubbland ee dhaceysa

(Akhriso) Beesha Caalamka oo war kasoo saartay Doorasha Jubbland ee dhaceysa

0

Beesha Caalamka ayaa baaq kasoo saartay khilaafaadka ka jira doorashada Jubbaland ee maalinta berri ah ka dhaceysa magaalada Kismaayo.

War Saxaafadeed kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa siddaan u qornaa:

Iyada oo loo danaynayo kobcinta xasilloonida iyo dhowrista midnimada ka dhex jirta bulshooyinka Jubaland, la-hawlgalayaasha caalamiga ah ee Soomaaliya (Kanada, Itoobiya, Midowga Yurub, Finland, Jarmalka, Talyaaniga, Kenya, Netherlands, Norway, Sweden, Turkey, Uganda, Boqortooyada Ingiriiska, Mareykanka, Howlgalka Midawga Afrika ee Soomaaliya [AMISOM], Urur-goboleedka IGAD [UN] iyo Qaramada Midoobay] ayaa ku hawlgeliyey dhammaan daneeyayaasha Jubbooyinka inay ku dhiirrigeliyaan inay heshiis ka gaaraan hal geeddi-socod doorasho oo lagu kalsoonaan karo, loo dhan yahay, cadaalad iyo nabad ah.

Waxaan ka walaacsanahay maqnaanshaha heshiis noocaas ah iyo  suuragalnimada degganaan la’aanta iyo kala qaybsanaanta ka jirta Jubaland ay si weyn u kordhayso.

Kahor doorashada la qorsheeyay 22ka Agoosto 2019, waxaan ugu baaqeynaa dhammaan daneeyayaasha in ay ka fogaadaan ficil kasta oo sababi kara rabshado.

Waxaan soo dhoweyneynaa dadaallada AMISOM ay ku abuureyso deegaan aamin ah oo ka jira Jubbooyinka, waxaanan dhiirigelineynaa isku xirnaanta ciidamada dhulka jooga. Waxaan ku boorineynaa dhammaan daneeyayaasha in ay la shaqeeyaan hanaan dowladnimo.

Joogtaynta nabadda iyo xasilloonida Jubaland ayaa muhiim u ah oo keliya dadka dowlad-goboleedkan Federaalka ah laakiin sidoo kale waa in la suuro galiyaa horumar dheeraad ah oo ahmiyadaha siyaasadeed ee Soomaaliya, amniga, dhaqaalaha iyo horumarka.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here