Home wararka Dalka Muqdisho oo lagu dilay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Dowlada Somaliya iyo Sida...

Muqdisho oo lagu dilay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Dowlada Somaliya iyo Sida Falka uu u dhacay

0

Kooxo biskoolaso ku hubeesan ayaa saakay Isgooska Siinay ee magaalada Muqdisho waxa ay ku dileen sargaal katirsanaa ciidanka Minishiibiyada sidoo kale ahaa abwaan fanka caan ka ahaa.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in rag biskoolado ku hubeesan ay rasaas ku fureen sargaalka xili uu marayay isgooska Siinay, waxaana la sheegay in mid kamid ah ragii dilka geestay ciidamada amaanka qabteen.

Sargaalka la dilay ayaa lagu magacaabayay Dawiil Cabdi waxa uuna katirsanaa ciidanka minishiibiyada, sargaalkan ayaa sidoo kale ahaa abwaanka heesaha u sameeya kooxda Onkod oo kamid ah kooxaha fanka ee dalka ka jira.

Dilalka qorsheesan ee ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay ahaa kuwa tiro yar, waxaana dilkan uu imaanayaa xili ciidamada amaanka ka howlgalaan isgoosyada iyo qeybo badan oo magaalada kamid ah.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here