Home Wararka caalamka Dalka Kenya oo lagu Arkay Qofkii ugu horeeyay ee Qaba Cudurka Ebola

Dalka Kenya oo lagu Arkay Qofkii ugu horeeyay ee Qaba Cudurka Ebola

0

War kasoo baxay Waaxda Caafimaadka ee Maamulka degmada Kericho ee dalka Kenya ayaa lagu sheegay in qofkii ugu horeeyay ee qaba Cudurka Ebola lagu daweeyay dawaynayaa isbitaal ku yaalla galbeedka Kenya.

Qofka laga helay cudurka ayaa ah haweeney Kenya u dhalatay oo ku nool gobolkaasi Kericho,iyada oo loo sameeyay baxnaanin caafimaad iyo daryeel ay dadka kale ula noolaan karto.

Haweenydaan ayaa dhawaan safar ku tagtay dalka Uganda oo cudurkaasi laga helay, iyada oo booqatay seygeeda oo dalkaasi ku nool,balse aan la shaacin in uu cudurkaas qabo iyo in kale,taasi oo sii abuurtay shaki badan ka hor inta aan cudurka lagu arkin.

Dowladda Kenya ayaa ku dhaqaaqday tallaabo ay heegan ku gelisay hay’adaheeda caafimaadka si looga hortago cudurkaas halista ah, iyada oo sidoo kale la sameeyay shaqaale loo tababaray ka hor-tagga iyo la socoshada faafitaanka cudurkan.

Waa dalkii labaad oo Soomaaliya ay ka joogaan Ciidamo farabadan oo ku howlgalla Magaca AMISOM,kuwaas oo laga helay cudurka dilaaga ee Ebola,waxaana sidoo kale uu kusoo aadayaa xilli Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ay sheegtay inaysan jirin walaac Soomaaliya ka qabto cudurkaas.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here