Home galmudug (Dhageyso) Madaxweyne Xaaf ” Dadkii sheegay Khilaafka Galmudug ee beenta ah Dhuusomareeb...

(Dhageyso) Madaxweyne Xaaf ” Dadkii sheegay Khilaafka Galmudug ee beenta ah Dhuusomareeb ayay nala joogaan”

0

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa ka hadlay xaflad uu u sameeyay dhalinyaro galmudug u dhalatay oo safaro ku bixiyay deegaano Galmudug kuwaasi oo soo bandhigay bilicda Galmudug.

Xaaf ayaa sheegay in dadkii baahiyay beenta in khilaaf ka dhex dhashay galmudug ay joogaan Dhuusamareeb isla markana la garanayo.

Isaga oo sii hadlaayay ayuu sheegay Madaxweynaha Galmudug in dowladda Federaalka mashaariic badan ay ka dhagax dhigtay deegaanada Galmudug,isla markaana aysan dib u fulin balan qaadyadii hore ,wuxuuna Carabka ku adkeeyay inay Galmudug isku tashan doonto.

Sikastaba Madaxweynaha Galmudug ayaa hore u shaaciyay in Galmudug ay xiriirka u jartay dowladda Federaalka Soomaaliya,waxaana Madaxda sare ee mamulkaas ka dhex jira Khilaaf aad u xoogan.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here