Home galmudug Madaxweyne Farmaajo oo Shir iskugu yeeray madaxda Maamul Goboleedyada Dalka ka jira

Madaxweyne Farmaajo oo Shir iskugu yeeray madaxda Maamul Goboleedyada Dalka ka jira

0

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa shir isugu yeeray Madaxda maamul goboleedyada dalka , shirkan ayaana la filayaa in uu ka dhaco magaalada Muqdisho.

Shirkan Madaxweyne Farmaajo isugu yeeray Madaxda maamul goboleedyada ayaa inta uu socdo looga hadli doonaa arimo khuseeya amaanka Qaranka iyo sidii guul looga gaari lahaa dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Sida qorshuhu yahay shirkan ayaa la filayaa in uu ka furmo magaalada Muqdisho 19-ka bishan April, waxaana shirka uu socon doonaa dhowr maalmood oo laga doodi doono arimo badan oo dhinaca amaanka ah.

Shirkan ayaan la ogeyn sida uu u qabsoomi doono maadaama marar hore baaqdeen shirar horey loo shaaciyay, waxaana casuumada shirkan oo loo diray Madaxda maamul goboleedyada ayaan la ogeyn jawaabta ay ka bixiyeen.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here