Home wararka Dalka Khayre oo mar kale Hadal kulul ujeediyay Ciidamada milateriga soomaaliya

Khayre oo mar kale Hadal kulul ujeediyay Ciidamada milateriga soomaaliya

0

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa markale ka hadlay arrimaha mushaaraadka ciidamada xilli boqolaal ciidamo ah ay soo faarujiyeen fariisimihii ay ugaga sugnaayeen deegaano kamid ah gobolada Sh/dhexe iyo Sh/hoose.

Kheyre oo maanta ka hadlay salaada jimcaha kadib ka hadlayay masjid ku yaala madaxtooyada Dalka ayaa sheegay in ay dowladu ay ku siineyso mushaarkiisa askariga diiwaangashan meeshii lagu diiwaangeliyay.

“Askari walba waa inuu joogaa meeshii lagu diiwaangeliyay lacagtana ay dowladu ku siiso oo aysan jirin cid kale oo idiin dhexeyneysa mushaarka iyo raashinkaagana aan kuguu soo shubeyno accounkaaga.”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Kheyre ayaa isweydiiyay sababta ay ciidamadu u gadoodi waayeen ama u kala tegi waayeen sanadihii hore.

 

“Soomaalida dhibaataa haysato runtaa la isu sheegin,laakiin anaa runta idiin sheegaa, ciidanka in la saxo qasab waaye, culumaday qasab ku tahay, siyaasiyintay qasab ku tahay.”ayuu sii raaciyay ra’iisul wasaare Kheyre hadalkiisa.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sheegay in ay madaxda dalka ay go’aano adag gaarayaan si dalka dhibaato looga saaro. Hase yeeshee ma xusin go’aanada adag oo ay dowladu qaadaysu waxa ay noqon karaan.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here