Home galmudug Faah faahin Dagaal ka dhacay magaalada Galkacyo ee Gobalka Mudug

Faah faahin Dagaal ka dhacay magaalada Galkacyo ee Gobalka Mudug

0
Wararka naga soo gaaraya Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in sakay halkaasi ay ku wada dagaalameen laba maleeshiyo,dagaalkaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Dagaalka ayaa waxa uu ka dhacay Waqooyiga Magalada Gaalkacyo ee Puntland, waxaana uu yimid kadib markii labada maleeshiyo ay isku qabsadeen dhul ku yaalla agagaarka Xasbiga weyn ee Waqooyiga Gaalkacyo oo maalmahaan uu khilaaf xoogan ka taagnaa.

Inta la xaqiijiyey ilaa laba ruux ayaa dagaalkaas ku geeriyootay halka 5 kale ay ku dhaawacmeen, sida ay sheeegeen dad ku sugan Waqooyiga Magalada Gaalkacyo.

Wararkii ugu dambeeyey aan Gaalkacyo ayaa waxa ay sheegayaan in maleeshiyaadkii dagaalamay ay weli is hor-fadhiyaan,isla markaana mararka qaar la maqlayo rasaas goos goos ah oo ay isku ridayaan.

Mas’uuliyiinta Maamulka Magalada Gaalkacyo ee Puntland iyo laamaha amniga intaba weli kama hadlin dagaalkaas, hayeeshee dadka ku sugan goobta uu dagaalka ka dhacay ayaa waxa ay sheegeen inay casbi dareemayaan.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here