Home galmudug Dhageyso Khudbadii Madaxweyne Xaaf ee Dhuusomareeb oo yiri Galmudug ha isku tashato...

Dhageyso Khudbadii Madaxweyne Xaaf ee Dhuusomareeb oo yiri Galmudug ha isku tashato kana hadlay wararka taagan.

0

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf oo maalmahan dambe ku sugnaa magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa maanta dib ugu soo laabatay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug.

Madaxweynaha oo ka warbixiyay safarkiisa ayaa sheegay in uu Magaalada Gaalkacyo u joogay Adkeynta Amniga Gobolka Mudug iyo in la sii xoojiyo Nabada Magaalada Gaalkacyo isaga oona sheegay in uu la kulmay Maamulada labada dhinac ee Puntlnad iyo Galmudug kalana hadlay sidii loo sii wadi lahaan Nabada ay haystaan bulshada reer Gaalkacyo.

Waxaa kale oo uu intaas ku daray in isbaarooyinkii yaalay Wada u dhaxeysa Gaalkacyo iyo Galinsoor dhamaan la wareejiyay Ciidamada Daraawiishtana la xareeyay oo Nidaam iyo kala dambeyn loo yeelay islamarkaana ay hada kadib joogi doonaan xeryahooda Tababarana ku qaadan doonaan.

Halkan hoose ka dhageyso Codka Xaaf

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here