Home Wararka Somaliya Beesha Caalamka oo Ka Hortimid Go,aanki Kasoo Baxay Wasiirka Amniga Soomaaliya ee...

Beesha Caalamka oo Ka Hortimid Go,aanki Kasoo Baxay Wasiirka Amniga Soomaaliya ee ku Wajahnaa NISA

0

Xubnaha Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ayaa walaac ka muujiyay go’aanka ka soo baxay Wasiirka Amniga kaasoo la xiriiray in Ciidamada Hay’adda NISA ay faraha kala baxaan shaqada garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay safaarada Mareykanka ayaa waxaa si toos ah loogu wargeliyay RW Maxamed Xuseen Rooble in talaabada Wasiirka Amniga ee garoonka Dayuuradaha ay walaac-galinayso dhankooda.

Mudug24 ayaa sidoo kale ogaatay in fiidnimadii xalay xubno ka tirsan Safaaradda Mareykanka ay teleefon kula hadleen Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Amnigaba, iyagoo laga dalbaday iney sharaxaad ka bixiyaan qoraalkooda iyo ujeedada laga leeyahay.

Xubnaha beesha caalamka ayaa ka cabsi qaba in haddii ciidanka dharcada ah laga saaro garoonka Aadan cadde ay ka dhalato saameyn iyo debecsanaan dhinaca amniga ah.

 

Ad
Previous articleGudoomiya Ku xigeenka Koowaad Ee Baarlamaanka Galmudug oo eedayn ujeediyay Gudoomoyaha Baarlamaanka Galmudug
Next articleDagaal Culus oo ka socda Degaanka Qowlaad ee Dhow Baladweyne

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here