Home wararka Dalka Muqdisho Qof lagu dilay Degmada Wardhiigley oo warar kala duwan laga helayo.

Muqdisho Qof lagu dilay Degmada Wardhiigley oo warar kala duwan laga helayo.

0

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa Caawa fiidkii  gudaha Degmada Wartanabada ee Gobolka Banaadir waxa ay ku dileen wiil dhalinyaro ahaa.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay inoo sheegeen in dilka uu ka dhacay Xaafada Xararyaale ee Degmada Wartanabada,isla markaana rag hubeysan ay toogteen Wiil dhalinyaro ahaa oo si weyn looga yaqaanay Xaafaddaasi.

Sidoo kale waxaa la sheegay in ragii ka dambeeyay dilka Ruuxa dhalinyarada ahaa ay goobta ka baxsadeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay,iyagoo halkaasi ka qaaday Meydka Ninka la dilay.
10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here