Home Wararka Maanta Barlamaanka Turkiga oo Go,aan kasoo Saaray Ciidamada Soomaaliya Turkiga ka Jooga

Barlamaanka Turkiga oo Go,aan kasoo Saaray Ciidamada Soomaaliya Turkiga ka Jooga

0

Baarlamanka dalka Turkiga ayaa ansixiyay mooshin ogolaanaya in ciidamada Turkiga ee ku sugan Soomaaliya loo kordhiyo waqtiga ay sii joogayaan Soomaaliya.

Waxay isku raaceen in inta laga gaarayo 10-ka Feberaayo 2023 ay ciidamadooda ku sugnaadaan Soomaaliya.

Madaxtooyada Turkiga ayaa ka codsatay baarlamaanka dalkaas muddo kordhinta Ciidamada Turkiga ee ku sugan Gacanka Cadmeed, badda iyo xeebaha Soomaaliya.

Hawlgalka ciiddamada Turkiga ayaa ku ekaa ilaa bishan  Febraayo 10, 2022-ka.

Turkiga ayaa kamid ah dalalka ciiddamo ka joogaan Soomaaliya, kuwaasoo qeyb ka qaataan tababarada ciidamada Soomaaliya.

Waa markii 14-aad ee Ankara ay kordhiso joogitaanka guud ahaan ciidamadeeda gacanka cadmeed tan iyo markii ugu horeysay ee uu meelmariyay  baarlamaanka sannadkii 2008-dii.

Ad
Previous articleXildhibaan cabdisamad Oo Xaflad Soo Dhawayn ah loogu Qabtay Galmudug
Next articleMadaxweyne Farmaajo iyo Wafdi uu Hogaaminaayo oo Goordhawayd Safar Dibada ah Ubaxay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here