Home Wararka caalamka Dalalka Midowga Yurub 5 kamid ah oo Qeebsaday Tahriibayaal loo diiday Dalka...

Dalalka Midowga Yurub 5 kamid ah oo Qeebsaday Tahriibayaal loo diiday Dalka Taliyaaniga.

0

Shan dal oo ka tirsan Midowga Yurub ayaa sheegay inay qaabili doonaan 47 Tahriibayaal ah oo bada laga soo badbaadiyey kuwaasi oo ay diiday inay qaabisho dowlada Talyaaniga.

Talyaaniga ayaa u diiday in uu dalkooda kusoo xirto markabka soo badbaadshay Tahriibayaashan oo lagu magacaabo Sea-Watch3 kaasi oo hada ku sugan biyaha jasiirada Sicily.

Markabkan oo ay leedahay Hay’ad NGO ah oo fadhigeedu yahay Germany ayaa sita calanka dalka Holland, waxayna Talyaaniga horey uga codsadeen in Holland ay qaabisho dadkaasi dul saaran Markabka 11kii maalmood ee lasoo dhaafay. Codsigaasi oo ay ku gacanseyrtay dowlada Holland.

Heshiisyada Caalamiga ah ayaa qoraya in dadka bada laga soo badbaadiyo la geeyo dalka ugu dhaw.

Raysalwasaaraha Italy ayaa sheegay in ay dhowr dal sheegeen inay qaabili doonaan dadkaasi qaxootiga waxaana wadamadaasi kamid ah Germany, France, Malta, Portugal, Romania iyo Luxemburg.

Mudug24 Wararka Caalamka

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here