Home Wararka Maanta Farmaajo war kasoo saaray Xaalada Dalka Baaq Cajiib ahna Diray

Farmaajo war kasoo saaray Xaalada Dalka Baaq Cajiib ahna Diray

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo saaray baaq taageero ah oo ku wajahan ciidamada qaranka ee dagaalka kula jira maleeshiyada Al-Shabaab.

Farmaajo ayaa qoraal uu soo dhigay Facebook ku sheegay inay waajib tahay in la garab istaago ciidanka xoogga dalka, si aan u xaqiijinno dalkeenna oo xor ka ah argagixisada.

Hadalkiisa ayaa kusoo aadaya xilli taageerayaashiisa ay maalmihii dhowaa u rayaaqayeen guuldarrooyinka ciidanka soo gaaray, si ay ugu xumeeyaan dowladda madaxweyne Xasan Sheekh oo ay qabyalaad darteed ku diidan yihiin.

Hoos ka aqriso qoraalka Farmaajo.

Dagaalka Ciidamadda Qalabka Sida oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ay kula jiraan kooxda argagixisada dhiig-miiratada ah ee Alshabaab, waa waajib qaran oo ay tahay in aynu ka wada qeyb-qaadanno dhamaanteen maadama uu taabanayo qarannimadeenna iyo jiritaankeenna ummadeed.

Howl-galadda dalkeenna looga xoreynayo argagixisada inoo diiddan nolasha, amniga iyo horumarka waa qorshe qaran oo soo socday dhowr iyo tobonkii sano ee u danbaysay, waxaana waajib ah in la garab istaago ciidanka xoogga, si aan u xaqiijinno dalkeenna oo xor ka ah argagixisada.

Waxaan ugu baaqayaa muwaadin kasta oo Soomaaliyeed in uu garab istaago halganka xoreynta dalka kana qeybqaato dhiiri-galinta iyo kor u qaadista moraalka geesiyaasha qaranka, maadaama isku duubnida ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay fure u tahay guulaha dagaalka lagula jiro argagixisada.

Alle ha u naxariisto halyeeyada naftooda u horey in dalkeenna ay ka xoreeyaan argagixisada, halyeeyada kale ee dhaawacyadu ka soo gaareenna waxaan Allaah uga baryayaa caafimaad iyo kabasho degdeg ah.

Ad
Previous articleWaa kuma horjoogaha Al-Shabaab ee markuu dowladda isku soo dhiibay ay doodda ka dhalatay
Next articleDowlada Soomaliya oo Soo Celinaysa Ciidamadii ku Maqnaa Eritreriya Xili dagaal Culus uu socdo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here