Home galmudug Ardayda waxkabarata Goobaha waxbarashada ee Dhuusamareeb oo Siminaar Loo Qabtay (Sawiro)

Ardayda waxkabarata Goobaha waxbarashada ee Dhuusamareeb oo Siminaar Loo Qabtay (Sawiro)

0

Siminaarkan oo kulmiyay Tiro arday ah
Ayaa socon doonna mudo 3 maalmood ah iyadoo inta uu socdona Ardaydu ku kororsan doonaan Talooyin muhiim u ah Hagaajinta Waxbarashadooda iyo Guul gaaridooda mustaqbalka.

Siminaarkaaan waxaa Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb ku Qabatay Jaamacada Palasma Qeybta ay Ku Leedahay Galmudug

Bare sare Hashisalat Salat oo ka tirsan macalimiinta Jaamacada Plasma ayaa ardayda uga faaiideeyay Aqoontiisa iyo waayo aragnimada uu u leeyahay waxbarista nuucaan ah isagoo Maalmihii u dambeeyey soo marey Xarumaha plasma ee Baladweyne, iyo guriceel unasii gudbi doona Magaalooyinka Cadaado, Caabudwaaq, Gaalkacyo iyo garoowe.

Casharada maalmahaasi uu socdo siminaarka la qaadan doono ayaa waxaa ka mid ah.
1)self steam
2)self discipline
3)How to set goals

Plasma oo ah jaamacadda kaliya ee Xarun rasmi ah ku leh magaalada Dhuusamareeb ayaa si adag xooga u saartay sanadihii u dambeeyay baajinta ardayda dugsiyada sare ee deegaanka ka qalin jabisa kuwaa oo waxbarashada jaamacadaha u aada Magaalada muqdisha iyadoo arintaasina in badan guul weyn laga gaarey sida maamulka jaamacadu uu Sheegay

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here