Home Wararka Maanta Midowga Yurub ayaa lacag dhan 13.5 milyan oo Yuuro ku taageeray miisaaniyadda...

Midowga Yurub ayaa lacag dhan 13.5 milyan oo Yuuro ku taageeray miisaaniyadda dowladda Federaalka Soomaaliya.

0

Midowga Yurub ayaa lacag dhan 13.5 milyan oo Yuuro ku taageeray miisaaniyadda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Lacagtan oo lagu shubayo qasnada dowladda, ayaa qayb ka ah 92.9 milyan oo Yuuro taageero miisaaniyadeed iyo barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya oo uu maalgeliyay Midowga Yurub.

Kaalmadan ayaa ka kooban qaybo joogto ah iyo kuwo isbeddelaya, waxayna ku xiran tahay horumar lagu sameeyo dib-uhabayn dhaqaalaha Soomaaliya.

Taageerada tooska ah ee EU-da ee miisaaniyadda federaalka, waxaa looga golleeyahay in lagu taageero hirgelinta qorshaha horumarinta qaranka ee Soomaaliya (NDP-9) iyo taageeridda dib-u-habaynta dhaqaalaha.

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Ms Tiina Intelmann, ayaa tiri: “Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan muujiyay sida ay uga go’an tahay in uu wax ka beddelo siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha. Tani waxay saldhig u tahay wada shaqayn wax ku ool ah oo dhexmara Soomaaliya iyo Midowga Yurub. Sidaa darteed waxaan ku faraxsanahay inaan ku dhawaaqno in maanta ay noo suurtagashay in aan dib u bilowno hawlihii taakulaynta miisaaniyada.”

Midowga Yurub ayaa sheegay tallaabadani inay tahay qayb ka mid ah ballanqaadyada taageerada dadaallada kobaca dhaqaale ee loo dhan yahay ee Soomaaliya, dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha dowladnimada.

Ad
Previous articleHoggaamiye muslim ah oo taageeray duullaanka Putin ee Ukraine
Next articleSri Lanka oo yeelatay madaxweyne cusub kadib markii uu cararay madaxweynihii hore

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here