Home Wararka Caalamka Turkiga oo samaystay hub casri ah oo uu Jarmalka horay ugu diiday.

Turkiga oo samaystay hub casri ah oo uu Jarmalka horay ugu diiday.

0

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ay bisha April tijaabo ku billaabi doonto taangiga lagu magacaabay Altay ee ah kuwa ugu casrisan ee adduunka lagu isticmaalo, kaasoo muddo sannado badan ay ay ku howlaneyd soo saaristiisa.

Ismaaciil Demir, oo ah madaxa warshadaha qalabka milatariga sameeya ee dalka Turkiga ayaa khudbad telefihsinka laga sii daayay Axaddii ku sheegay in ugu dambeyn lagu guuleystay farsameynta taangiga Altay, dhawaanna la tijaabin doono.

Culeyska ugu weyn wuxuu Turkiga ka heystay sidii loo heli lahaa Matoorka awoodda badan ee uu ku shaqeeyo taangigaas, horayna waxay isugu fahmi waayeen Jarmalka oo Turkiga saaray Cunaqabateyn dhinaca hubka ah.

Waxaa soo baxay warar sheegaya in hadda uu Turkiga matoorkaas ka iibsaday waddanka Kuuriyada Koonfureed, sidaasna ay ugu suuragashay inuu sameysto taangigan ugu muhiimsan ee loo adeegsado goobaha dagaalka.

Wargeyska Defence News, oo soo xiganaya sarkaal Turki ah oo uusan magaciisa shaacinin, ayaa sheegay in shirkad fadhigeedu yahay Kuuriyada Koonfureed ay heshiis la gashay Ankara, taasoo hirgalisay guusha laga gaaray sameynta taangigaas.

Turkiga ayaa markii hore mashruucan billaabay 2005 ilaa 2007 oo heerar kala duwan lasoo mariyay, laakiin dib u dhac badan ayaa yimid kaddib markii ay Jarmalka iyo Ankara isku fahmi waayeen isku day la doonayay in lagu helo matoorka uu ku shaqeeyo taangiga.

Dowladda Jarmalka ayaa diidmadeeda u cuskatay cunaqabateyn dhanka hubka ah oo ay horay u saartay Turkiga.

Turkiga ayaa hadda ku biiray dalalka faro ku tiriska ah ee heysta Taangiyada ugu awoodda badan ee ka qeyb gala dagaalka Dhulka, iyadoo taasi ay u sii dheer tahay inuu maamulan karo hannaanka taangiyada ay ku shaqeeyaan, maadaama ay yihiin kuwo lagu farsameeyay gudaha dalkiisa.

Sannadihii lasoo dhaafay Ankara waxay xoogga saareysay inay ballaariso awooddeeda militari, waxaana uu Turkigu saameyn ku yeeshay dhaqdhaqaaqyo militari oo dibadda ah.

Ad
Previous articleDowlada Cusub ee Soomliya oo Markii ugu Horaysay Shaacisay in Ciidamada ku maqan eriteeriya aysan Dagaal ka qaybgalin
Next articleXildhibaanad Ilhaan Cumar oo Booliska Marykanku Xabsiga Dhigeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here