Home puntland Dhagayso Guddiga Doorashada Puntland oo ku dhawaaqay Waqtiga La Qabanayo Doorashada Maamulkaas.

Dhagayso Guddiga Doorashada Puntland oo ku dhawaaqay Waqtiga La Qabanayo Doorashada Maamulkaas.

0

Guddiga  Doorashooyinka Puntland ayaa baarlamaanka ka hor qirtey inay ku guuldareysteen inay doorasho qof iyo cod ah ka hirgasho Puntland xilligan la joogo.

Kadib dhagaysiga warbixinta ayaa Baarlamaanka Puntland dood uu yeeshay kadib go’aamiyay in doorashada madaxtimimada la qabto 8da Janaayo 2019  oo ah xilligii hore loogu qorsheeyay inay dhacdo.

Sidoo kale Baarlamaanka ayaa go’aamiyay in guddiga doorashooyinka ay sii shaqeeyaan ayna dhacdo bisha September 2019 doorashada golayaasha deegaanka Puntland.

Doorashada Puntland ayaa ku dhacaysa qaabkii ay ku dhici jirtay ee qabaa’ilka iyadoo odayaashu ay soo xuli doonaan Baarlamaankii badali lahaa kan hada jira.

Baarlamaanka cusub ayaa fadhigooda ugu horeeya yeelanaya 31 december 2018 waxaana ay 4 janaayo ay dooran doonaan gudoomiyaha iyo ku xigeenadiisa ugu dambayna 8 Janaayo ay dooran doonaan Madaxweynaha Puntland sida ku cad dastuurka Puntland.

Waa markii labaad ee uu Dowlada goboleedka Puntland u suurtogeli weyso in ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah iyadoo sidan oo kale Madaxweynihii hore ee Puntland C/maan Faroole uu u qorsheeyay inay dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

Halkaan Ka Dhagayso.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here