Home galmudug Guddiga Amniga Gobolka Mudug oo Kulan deg deg ah ka leh Shaqaaqo...

Guddiga Amniga Gobolka Mudug oo Kulan deg deg ah ka leh Shaqaaqo Ka dhacday Duleedka Gaalkacyo.

0
SHARE

Kadib Shaqaaqo iyo Israsaaseyn sababtay dhimasho iyo dhaawac oo maanta dhalinyaro reer galmudug oo safar ku jiray iyo askar ka tirsan puntland aaga garoonka diyaaradaha bariga gaalkacyo ayaa wararkii ugu danbeeyay ee wariyaha mudug24.com ee gobolka mudug wuxuu xaqiijiyay iney socdaan kulamo guddiga amniga gobolka mudug ka leeyihiin arintaas.

Kulanka Guddiga Amniga ee ka socda gaalkacyo waa mid diiradda lagu saarayo shaqadii maanta duleedka gaalkacyo oo dad ku dhinteen,

sidoo kale xiisad maalmahan ka jirtay deegaanka taaroge ee galbeedka gaalkacyo ayaa arintaasi looga hadlay si aysan mar kale udhicin arimaha amaanka gobolka wax udhimi kara,

Masuuliyiin ka tirsan galmudug puntland iyo saraakiisha ciidanka malatariga soomaaliya ayaa qeyb ka ah kukankaa,waxaana wixii kasoo baxa la wadaagi doonaa warbaahinta”Sidaas waxaa mudug24.com usheegay mid ka mid ah guddiga Amniga Gobolka Mudug.

Isha ku hey Mudug24.com Isha Wararka Sugan

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here