Home galmudug Galmudug oo War Ka Soo Saartay Booqashada Raisal Wasaare kheyre ee Puntland...

Galmudug oo War Ka Soo Saartay Booqashada Raisal Wasaare kheyre ee Puntland iyo Dekadda Garacad..

2
SHARE

Wasiir ku-xigeenka Tamarta iyo Kheyraadka Maamulka Galmudug Maxamed Nuur Diini oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maamulka galmudug uu walaac ka qabo socdaalka Ra’iisul wasaaraha soomaaliya xasan cali kheyre uu ku jooga deegaanada puntland gaar ahaan garoowe.

Sidoo kale ayuu ka hadlay warar sheegaya inuu tagayo deegaanka garacad oo dhaca bariga durugsan ee gobolka mudug arimo la xiriir Dekad Halkaasi laga furayo.

“Galmudug waxay walaac xoogan iyo shaki badan ka qabtaa wararka tilmaaya in Raiisal wasaare kheyre mashaariic ka dhagax dhigayo deegaano ka tirsan nugaal iyo mudug oo ay qeyb ka tahay dhismaha dekadda deegaanka garacad,

puntland waa dariskeena hormarkeedana waan jecelnahay waxaase nasiib daro ah in xilli la isku diyaarinayo dhismaha dekadda hobyo oo ka mid ah dekadaha ugu waaweyn soomaaliya horey uu madaxweyne farmaajo u dhagax dhigay qorshaha Raiisul wasaare kheyre garacad oo mudug ah dekad ka dhagax dhigayo taasi macnaheedu waxa uu yahay cuuryaamin lagu hayo dekadda hobyo.

“Ayuu yiri wasiir diini oo intaasi ku daray in galmudug dawladda dhexe ugudbineyso dacwad ka dhan ah fara galin uu sheegay in Rw.kheyre iyo dawlado shisheeye ku hayaan hormarka galmudug.

Hadalka masuulkaan ka tirsan maamulka Galmudug waxaa uu ku soo beegmayaa xilli ay jirto hadal heyn warar saacdihii ugu danbeeyay soo baxay kuwaasi oo ah in Raiisal wasaare kheyre oo hadda kusugan garoowe uu maalmaha soo socda deegaanka garacad ee gobolka mudug ka dhagax dhigayo mashruuca dhismaha dekadda Garacad kaasi oo la tilmaamay iney ku lug leeyihiin wadama khaliijka Qaarkood.

Fadlan ilaali Wararka Mudug24 u gaarka ah

W/Q/Abdalle Mohamed Abdulle.

Mudug24.com Gaalkacyo.

2 COMMENTS

  1. GALMUDUG XAAFAADA BARAXLEY BAT GAROON DIYAARADED KA FURTEEN TAASOO KA DHIGTAY IN GAALKACYO YEELATO 2GAROON DIYARADEED HADABA HADII PUNTLAND GARACAD KA FURATO DEKAD MAXAA KAGALAY ,,DEGMADA EYL XATAA WAXAA LAGA FURIN DEKAD

  2. Galmudug oo War Ka Soo Saartay Booqashada Raisal Wasaare kheyre ee Puntland iyo Dekadda Garacad.

    —————————————————–

    Warkaas hadaad akhriday waxaad ka naxaysaa fekerka ka dambeeya oo la mid ah ” Aniga mooyee yaan cidi noolaan” halka xaqiiq ahaan dekedo badan oo Soomaaliya yeelato ay horseedayso horumar Soomaaliyeed. Dekeduhu waxay ka mid yihiin kaabayaasha horumar ee dal yeelan karo kuwa ugu muhiimsan hase ahaatee Wasiirka Galmudug wuxuu u arkaa dukaan uu hobyo ka furan lahaa oo mid kale la agi furi doono Garacad. Allow na badbaadi. Waddanka Sweden oo aan degenahay wuxuu bedkiisu leégyahay 2 /3 bedka Soomaaliya, waxay leedahay xeeb dhan 3000 km oo ay ku yaalaan 294 dekedood oo 160 ka mid ahi moolkoodu ka dheer yahay yahay 9 m, taas oo macnaheedu yahay inuu ku soo xiran karo maraakiibta waaweyn ee xamuulka qaada. Allow aqoon ayaan kaa barinay. Qof aan wax aqoon waa qof indho la´gud buu isku ridayaa. Weliba dacwuu uu gudbinayaa Dawladda federaalka asagoo isla fiican.
    Wixii dembi ah oo iga dhaca allaha iga cafiyo, intaan gartayna allaha iga abaal mariyo.
    Somalidoon.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here