Home wararka Dalka Ururka Suxufiyiinta Gobolka Mudug Ee Galmudug oo War kasoo Saaray Xariga Wakiil...

Ururka Suxufiyiinta Gobolka Mudug Ee Galmudug oo War kasoo Saaray Xariga Wakiil Wareedka VOA Ee Galmudug..

0
SHARE

Muddo Ka Badan 48saac waxaa Xabsi ku yaal Gaalkacyo ku jira Wariye C/Waaxid Macalin Isaaq ah wakiil wareedka deegaanada galmudug ujooga Idaacadda Voa Laanteeda ku hadasha afka soomaaliga.

Saraakiisha Nabad Sugidda Dawladda Soomaaliya qeybtooda ka hawl gasha galmudug ayaa sheegay in wariye cabdi waaxid ku eedey sanyahay warbixin uu ku qoray mareeg uu leeyahay.

Warka uu qoray ayaa la xariira dagaalo alshabaab iyo dadka deegaanka ku dhex maray deegaano dhaca koofur bari gobolka mudug oo uu tabiyay si ka fog xaqiiqda sida ay hadalka udhigeen.

Waxaa Socda dadaalo lagu soo deynayo wariyaha Voa oo ay wadaan wariyaasha ka hawl gala gaalkacyo Sida uu sheegay Liibaan Ajib Haaji Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Galmudug ee Galmudug oo rajo wanaagsan ka muu jiyay inuu wariye cabdi waaxid helo Xoriyaddiisa.

W/Q Abdalle Mohamed Abdulle

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here