Home wararka Dalka Sawiro Dhismaha Isbitaalka Deegaanka Qaydaro oo meel Wanaagsan maraya..

Sawiro Dhismaha Isbitaalka Deegaanka Qaydaro oo meel Wanaagsan maraya..

0
SHARE

Dhismaha Qadro Hospital Gobolka Mudug Ee Galmudug oo ah mid hirgalintiisa ay iska kaashanayaan Qaar ka mid ah gabdha jaaliyadda dibadda ee udhalatay deegaanka iyo Wasaaradda caafimaadka dawlad goboleedka galmudug ayaa haatan ah mid maraya heer gabo gabo ah,

inta badan waxaana dhamaaday qeybaha muhimka u ah isbitalka sida ay ka muuqata sawirada uu soo qaaday Wariye Abdalle Mohamed Abdulle oo dhawaan hawlo shaqo ku tagay deegaanka qeydaro oo qiyaastii 125km ujira magaalada gaalkacyo ee xarunta gobolka mudug,

sidaasi oo kale degamada cadaado ee xarunta baarlamanka galmudug ayay qeydaro ujirtaa 110km Deegaanka Qaydaro oo ka mid ah deegaanada ay cuuryaamiyeen colaadihii qaabaailka ahaa ee sanado badan ka dhex jiray bulshada walaalaha ah ee mudug iyo galgaduud ayaa hadda umuuqata mid wajahaysa wadadii hormarka Qeybaha Bulshada deegaanka ayaa aad usoo dhaweeyay hirgalinta xarumaha caafimaadka iyo waxbarashada oo laga hirgalanayo Deegaankaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here