Home Wararka Somaliya Galmudug Faarax Diiriye oo isku soo sharaxay Gudoomiyaha Cadaado

Faarax Diiriye oo isku soo sharaxay Gudoomiyaha Cadaado

0

Faarax Diiriye Warsame oo ah musharrax u taagan doorashada degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud, ayaa taageero ka helay bulshada magaalada Cadaado, isagoo u ballanqaaday inuu aqoontiisa ugu adeeggidoono haddii la doorto.

Doorashada guddoomiyaha degmada Cadaado, ayaa dhicidoonta soddonka bishan July, waxaana Faarax Diiriye Warsame uu kamid yahay dadka ugu cadcad doorashadaas.

Kulan lagu taageerayay oo magaalada Cadaado ka dhacay, ayay dadkii kasoo qeyb galeen ku tilmaameen inuu yahay, shakhsi aqoonyahan ah oo fure u noqon kara horumarka Cadaado.

Musharrax Faarax Diiriye wuxuu sheegay inuu dhisidoono garsoor caddaalad ah oo lagu sixidoono waxa ka qaldan amniga. Sidoo kale wuxuu ballanqaaday inuu midayndoono guurtida dhaqanka.

Wuxuu sheegay inuu waxbarashada si gaar ah ahmiyad u siindoono, korna uqaadidoono horumarinta tababarada maamulayaasha iyo macalimiinta degmada Cadaado.

Ad
Previous articleRa’iisul Wasaare Xamse Oo War Ka Soo Saaray Weerarkii Magaalada Jowhar.
Next articleMadaxweyne Xassan Shiikh iyo Ismaaciil Cumar Geelle oo heshiis Cusub Kala Saxiixday (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here