Home Wararka Maanta Dowladda Turkiga oo war kale kasoo saartay wiilka madaxweynaha Soomaaliya

Dowladda Turkiga oo war kale kasoo saartay wiilka madaxweynaha Soomaaliya

0

Wasiirka caddaaladda dalka Turkiga Yılmaz Tunç ayaa sheegay in ay qiyaasayaan in Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya oo ku dhuftay bajaajle Yunus Emre Göçer oo ku sugnaa Istanbul uuna sababay geeridiisa uu dhawaan imaan doono dalka Turkiga si maxkamad uu u wajaho.

Isagoo ka jawaabayay su’aalaha saxafiyiinta ka dib shirkii ‘Istaraatijiyadda Dib-u-habaynta Garsoorka iyo Qorshe Hawleedka Xuquuqda Aadanaha’ ee lagu qabtay Ankara, ayuu wasiir Tunç wuxuu yiri, “Waxaan ku qiyaaseynaa in qofka ay quseyso uu ka iman doono dibadda oo uu bixin doono bayaankiisa mustaqbalka dhow. “Wasaaraddayada arrimaha dibadda ayaa iyaduna arrintan kala hadlay,” ayuu yiri.

Warbaahinta ayaa ogaatay in wiilka uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud la sii daayay ka dib markii lagu waayay wax khalad ah oo shilkaasi la xiriira, kadibna uu ka tagay Turkiga.

Warbixinta dheeriga ah ee uu ku dhawaaqay machadka baaritaannada casriga ah toddobaadkii hore, Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud waxaa lagu helay “inuu ugu horreyn khalad leeyahay” Yunus Emre Göçer waxaa lagu helay “in uu khaladka labaad leeyahay”.

Hadalkiisa maanta ee saxafiyiinta, wasiir Tunc wuxuu xasay inay jireen laba warbixinood oo ka soo baxay machadka sameeya baaritaannada casriga ah sida dhiigga iyo dheecaannada , wuxuuna yiri, “dacwad ayaa lagu soo oogi doonaa iyada oo la raacayo qaab dhismeedka warbixinnadan. Dabcan, garsoorkeena ayaa ilaalin doona xuquuqda iyo shuruucda muwaadiniinta. “Eedaynta waxaa la diyaarin doonaa maalmaha soo socda gudahooda iyadoo la raacayo qaabka warbixinta khabiirka,” ayuu yiri.

Ad
Previous articleDuqaymo Culus oo lagu Garaacay Alshabaabkii Ku Sugnaa Koonfurta Gobalka Mudug
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Dagaalkii Cuslaa ee Galabtay ka Dhacay Koonfurta Gobalka Mudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here