Home Wararka Maanta Khadka dhexe ee kooxda Real Madrid ee Toni Kroos oo lagu sifeeyay...

Khadka dhexe ee kooxda Real Madrid ee Toni Kroos oo lagu sifeeyay mid kamida xiddigihii ugu xumaa Koobka aduunka

0

Khadka dhexe ee kooxda Real Madrid ee Toni Kroos ayaa lagu sifeeyay mid kamida xiddigihii ugu xumaa Koobka aduunka walow uu 18 bilood kahor ka fadhiistay kubadda cagta heer caalami iyo dalkiisa Germany.

Hadalkaas fajaca iyo yaabka noqday ayaa kasoo yeedhay saxafiyada caanka ka ah Spain ee Cristina Cubero taas oo gabi ahaanba ilawday in xiddigii hore ee Bayern Munich berri hore laalay kabihiisa heer caalami.

Toni ayaa ka fadhiistay xulka Germany maalin kaddib markii dhigooda England ay kaga reebeen Wembley Euro 2020.

Kroos ayaa dalkiisa looga yaqaanaa halyeey maadaama oo uu kamid ahaa xiddigaha kusoo guuleystay Koobkii aduunka ee 2014.

Kaddib hadalka kasoo yeedhay Cristina Rubero ayuu Kroos bartiisa Twitter-ka ku falceliyay isagoo kusoo qoray “Waan ogaa inuu qof i eedaynayo” isagoo soo raaciyay sawirro yar yar (Emoji) oo qosol ah.

Cristina ayaan intaas ku ekaan balse sidoo kale Vinicius Jr ku sifaysay mid kamida xiddigihii ugu xumaa Koobka aduunka walow uu xiddiga Real Madrid hal gool iyo laba caawimo usoo sameeyay Brazil ahaana mid kamida xiddigahooda ugu fiican.

Ad
Previous articleToogasho ay ku dhinteen Dad Shacab ah oo ka dhacday Caasimada Faransiiska
Next articleMareykanka oo shaaciyay khasaaraha ka dhashay Duqeyn cusub oo ay ka fuliyeen gudaha Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here